Maxaa ka soo baxay Kulanka Ganacsatada QAADKA iyo Guddiga Heer Qaran ee Ka-hortagga Cudurka COVID-19?

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Heer Qaran ee Ka-hortagga Cudurka Covid-19, ayaa maanta kulan la qaatay Ganacsatada Qaadka ka soo waarida Dalka Ethiopia, waxaanay ka wada-hadleen sida suurtagalka ah ee lagu wejahi karo joojintiisa maadaama tiro dad ah oo badan laga helay caabuqa Coronavirus gudaha dalka Ethiopia.

Kulanka oo ku qabsoomay Xarunta madaxtooyada Somaliland, waxa goob-joog ka ahaa xubnaha guddiga oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Ahna guddoomiyaha Guddiga Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacii (Saylici) iyo qaar ka mid ah ganacsatada Ugu tunka waaweyn ee Qaadka keena dalka.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadallada Guddiga iyo Ganacsatada Qaadka