Maxaa Ka soo baxay Kormeerka uu Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland ku maray Fadhiisimada Jiidda Hore?

 

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Somaliland Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa maalmihii u dambeeyey safar shaqo iyo kormeer Guud marayay Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Jiidda Hore ee Tukaraq ee Gobolka Sool.

War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Ciidanka Qaranka Gaashaanle Sare Cabdi Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere) ayaa lagu faahfaahiyey ujeeddada safarka Taliyaha iyo waxyaabaha ilaa immika u qabsoomay ee ka soo baxay kormeerka Taliyaha.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:

“Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland waxa uu safar shaqo ugu baxay jiida hore ciidanka qaranka JSL ee Tukaraq , safarkas oo kaso bilamay 16/02/2020 qaadana doona muddo dhawr cisho ah.

Ujeedada safarka Taliyaha iyo waftiga uu hogaaminayo waxay daarantahay kormeeradii caadiga ahaa, madaamo sanad cusub bilaamay waxa lagama maarmaan ah in ciidanka kor looqaado tayadiisa iyo tiradiisaba iyadoo lafulinayo qorshayaasha cusub ee sanadka 2020 .
Taliyuhu wuxuu intii uu ku gudo jiray safarkiisa la kulmay ugu horayn gudoomiyaha Gobolka sool cabdiqani jiidhe halkas oo uu Taliyaha warbixin kasiyey xalada guud ee gobolka islamarkana taliyaha ciidankuna ku amaanay shaqada wacan ee ay gobolka ka qabteen.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Qaranka intaa kadib kulan laqaatay Taliyaha aaga bari ,Taliyaasha colalka qaybaha iyo gutooyinka kana dhagaystay xaalada Amaan ee jiida hore ee tukaraq.
Taliyaha inta kadib wuxuu uga waramay taliyasha colalka xalada guud ee dalka , wuxuu taliyahu ku amaanay gulihi kala duwan ee ciidanka qaranka u soo hooyeen, waxa kale oo ugu bushareeyay in dhawaan madaxwyahaha Somaliland bixin doono abaal marino bilado dhamaan gutooyinka xubnihii mutaystay.

Taliyaha gabagabadi waxaa uu la kulmay odayaasha Deeganka ciidanku ku suganyihiin kuna amaanay sida habsamida leh ee ula shaqeyaan ciidanka qaranka una sheegay ciidanka qaranku inuu yahay kaluun bad jira baduna ay tahay shacabka. Isla markaana u sheegay amaan la,an inaan horumar jirayn.”