Maxaa ka jira in hinaasuhu waxa u dhimo awoodda aragga indhaha ee haweenayda?!

Waxa aad maqashay in indho-la’aanta ama aragga qofka oo daciifa uu ku yimaaddo marka da’da qofku weynaato ama xannuuno kale oo qofka asiiba, balse waxa kale oo la ogaaday in hinaasaha dumarku uu u horseedo araggooda oo daciifa.

Daraasadda oo ay sameeyeen khubaro cilmi-nafsiga ka dhiga Jaamacadda Delaware, waxa lagu ogaaday marka ay dumarka la soo daristo xaalad hinaase ah ay ku timaaddo in aragga indhahoodu si wanaagsan uga bogan waxyaabaha ay arkaan iyadoo indhoodu ay qabtaan muuqaallo aan shucuurtooda raalli-gelin kuwaas oo ka sokeeya meesha yoolka indhahoodu u jeedo haysto.

Cilmi-baadhayaashu waxa ay soo sheegeen in natiijada daraasadoodu daaha ka rogayso asbaabo qoto-dheer oo khuseeya xidhiidhada bulshada iyo aragtiyada la aaminsan yahay.

EVA LONGORIA, RICARDO ANTONIO CHAVIRAWaxa in badan la ogaa in dareemada ku taxaluqa xidhiidha bulshadu ay saameeyaan caafimaadka maskaxda iyo jidhka, balse imika waxa ay u muuqataa in dareemada bulsheed ay si caadi ah u saamayn karaan waxyaabaha aynu aragno.

Khubarada cilmi-baadhista samaysay waxa ay tijaabooyin ku samaysay lammaanayaal is-qaba kuwaas oo mid kasta oo ka mid ah la barbar fadhiisiyey kombuyuutar. Dabadeed waxa haweenayda la waydiistay inay indhaheedu eegaan muuqaallo kala duwan, iyaga oo mararka qaar isku dayaya inay is-diidsiiyaan muuqaallada  aan dareenkooda raalli-gelinayn. Halka ninka laga weydiiyey inuu qiimeeyo bilicda muuqaallada ka muuqday shaashadda kombuyuutarka. Dabadeed, qofkii tijaabada samaynayey waxa uu ku dhawaaqay in ninku uu qiimeeyo quruxda haweenay kale oo aan la qabin. Dhammaadkii tijaabada, haweenkii waxa ay la weydiiyey sida uu dareenkoodu yahay marka ay arkaan lammaaneyaashooda oo indhahoodu ku maqan yihiin haweenka kale.

waxa laga ogaaday in kolba sida ay u hinaastay haweenaydu, ay u kordhayso saamaynta muuqaallada aan aragtida raalli-gelinayn ee ka hor imanaya barta indhaheedu ku maqan yihiin. Xidhiidhkan ka dhexeeya hinaasaha iyo daciifka aragtida indhaha ee dareenku sababo ay muuqdeen oo kaliya wakhti ay lammaanayaasha ragga ah indhahoodu ku maqnaayeen haween kale, taas oo muujisay kala-duwanaanshaha dhabta ah ee u dhexeeyey haweenkii goobta joogay.

Khubaradu waxa ay ka dhawaajiyeen inaanay garanayn waxa dhici kara haddii doorka daraasadda lagu wareejiyo dhanka ragga loona kuur-galo astaamaha iyo raadadka ku duugan hinaasaha ragga, balse waxa ay carrabaabeen inay samayn doonaan daraasado kale oo ay ku hubinayaan xaddiga indho-la’aanta ah ee hinaasuhu u gaysto ragga.

SOMALILANDPOST.NET