Maxaa ka jira in dowladda Itoobiya Beddeshay Danjirihii u joogay Somaliland?

 

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay bedeshay safiirkii u joogay caasimadda Somaliland ee Hageysa danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladda Itoobiya ku xaqiijisay bedelaada diblomaasigan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in diblomaasigan oo muddo 2 bilood ah ka maqan shaqada xafiiskiisa Hargeysa la bedelay, waxaanay wararku sheegeen in la diyaariyay danjira cusub ee Itoobiya u qaabilsanaan doona Hargeysa, kaas oo la filayo inuu dhawaan soo gaadho Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan, ayaanay u suurtogelin.

Shaqada xafiiska Itoobiya ee Hargeysa ayaa la sheegay inay si caadi ah u socoto, waxaana sii wada diblomaasi kale oo ku xigeen u ahaa danjire Shamsudiin.

Danjire Shamsudiin oo bishii January ee sannadkan la wareegay shaqada xafiiska Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa, ayaa wuxuu bedelay Brigader General Berehe Tesfaye oo muddo 10 sannadood ku siman ahaa wakiilka Addis Ababa ee Hargeysa.

Danjire Shamsudiin ayaa ka mid ah khubarada wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxaanu hore safiir uga soo noqday dalalka Djibouti iyo Kenya.

@Geeska