Maxaa ka jira In dalka Djibouti Kulan ku dhexmaray Ergooyin kala Socda Somaliland iyo Soomaaliya?

 

Djibouti (SLpost)- Ergo ka kala socota Somaliland iyo Soomaaliya ayaa kulan kooban oo wada hadaladii ku saabsan ku yeeshay dalka Djibouti. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Sida ay Ilo-wareedkani u sheegeen Wargeyska Geeska Afrika, Kulankani wuxuu dalka Djibouti ku qabsoomay 18 Oktoobar, waxaana dhinaca Somaliland uga qayb galay Wasiirka arrimaha dibadda Yasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Marwo Edna Aden Ismaaciil, halka ay dhinaca Soomaaliya uga qayb galeen ergo uu horkacayo xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo guddoomiye u ah guddi uu Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Sida ay xogahani sheegeen, ma jirto wax natiijo ah oo kulankaas ka soo baxday, marka laga reebo in la isku afgartay in loo diyaar garoobo in wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho dib u bilaabmaan.

Laakiin ma jirto wax wakhti ah oo loo qabtay in wada hadaladaasi dib u bilaabmaan.

Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa bishii September socdaalo kala duwan ku tagay dalka Djibouti, iyadoo ay markaas soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Geele doonayo inuu dib u bilaabo wada hadaladii Hargeysa iyo Muqdisho oo ay dalkiisa ku kulmaan labada madaxweyne, waxaana la dareemi karaa inay Biixi iyo Farmaajo raali ka noqdeen inay dib u furan wada hadalada.