Maxaa Iska Bedelay Bulshadii Magaalada Burco?

Ma ihi qoraa qoray maqaalo badan hadana dareenka igu kalifaya inaan maanta wax qoro waxaad moodaysaa inaan wax ka qorayo oo duug ka reebayo arin gabaabsiya oo danbeebto aan la helidoonin

hal afeefa intaana bilaabin aan sii hor sheegte e ha usii fiir fiirsan hab qoraalkayga laakiin eeg oo qaado maqsadka amaba ujeedka halka ii ah waayo gef qoraal

waad ka heli kartaa waana sababta aan kuu leeyahay ma ihi qoraa ee waxa i kalifaya dareenka igu dhaliyey inaan hal ka idhaahdo mawduucan aan khad ahaan u qori doono.

inta aanan ugelin ubucda iyo hadafka qoraalkayga bal aan dul cararo xog yar oo ku saabsan magaalada burco inta ogaalkayga ah.

Magaalada burco waa mid ka mida magaalooyinka ugu taariikhda weyn soomaaliland amaba soomaaliya oo dhan, hadaanay ahaynba magaalada ugu taariikhda weyn 

markaad eegto halgankii lagu durayay ee lagu kicinyey guumaystihii ingiriiska iyo halgankii dhaqdhaqaaqii SNM waa magaaladii hooyada iyo saldhiga u ahayd 

waa magaaladii lagaga dhawaaqay gooni isutaaga jamhuuriyada soomaaliland 18KII MAY sanadkii 1991

waa magaalada ay ku dhasheen shakhsiyaad badan oo aynu ku dhaadano kuwaas oo hiil iyo gaashaan inoo noqday wakhtiyadii adkaa 

waa magaalada uu ku dhashay MAXAMED IBRAAHIM WARSAME {HADRAAWI} oo laguu tilmaamo boqorkii suugaanta 

waa magaalada uu ku dhashay aabihii tacliinta somaaliyeed MAXAMUUD AXMED CALI {AHUN} 

waa magaalada uu ku dhashay madaxweynihii ugu horeeyey jamhuuriyada soomaaliland C/RAXMAAN AXMED CALI {TUUR} AHUN iyo madaxweynihii labaad ee isla soomaaliland MAXAMED IBRAAHIM CIGAAL AHUN sidoo kale waa magaalada uu ku dhashay madaxweynaha hada talada dalka haya ee AXMED MAXAMED MAXAMUUD {SIILAANYO} 

waa magaaalada uu ay u dhasheen ganacsadayaasha ugu waaweyn hada dalka ee DAHABSHIIL iyo INDHA DEERO waxba yaanan ku tiiqtiiqsan adba waad ogtahay in kuwan iyo kuwa kale oo badan oo qalinku aanu ii qabane ay ka soo jeedaan magaalada burco 

waxa xasuus mudan oo lama ilaawaan ah in burco ay caan ku ahayd ciyaaraha kala duwan ha ugu horeyso kubada cagta oo ay ahayd magaalooyinka lagu tilmaamo kuwooda ugu fiican hadaanay ahynba tii ugu fiicnayd waa magaalo dadkeedu nugul yihiin jecelyihiina wadaniyada waa magaalo dadkeedu ahaayeen kuwa ugu dhihista og magic bixinta ereyada afsoomaaliga oo waa tii la odhan jirey waxkasta oo hore magac loogu heliwaayo burco ma geyseen? iyaguna waa kuwii isla cagidaba magaca u heli jiray, waa magaalo dadkeedu ahaayeen kuwo marba la falgala oo ka dareenceliya xaalada dalku ku sugan yahay haduu saxyahayna ha tageereen haduu khalad yahayna haa diideen oo

gacanta ha ka taageen e.

sidaan filayo kor ka xaadis mooye odhaahaha ama ereyadan aan soo qoray bilaale qaadkii kama aha taariikhdii iyo astaamihii ay magaalada burco lahayd keliya waa inyar oo ogaalka garashadayda yari i garan siisey uun 

aan dib ugu soo laabto ujeedkii qoraalkaygan oo aan kusii socdo burcadii taa aan soo sheegay iyo tu ka fiicanba ahaan jirtey sida ay imika tahay oo ah kaaf iyo kala dheeri isu noqoqnaya ama laba aan is lahayn oo hadii loo magic bixiyo noqonlahaa BURCADII HORE iyo BURCADII DANBE 

magaalada burco dadkeedii badankoodii way ka hayaameen oo waxay noqdeen badh saxaraha iyo tahriibta ciirsi bidey oo ku le eday iyo inyar oo ka badbaaday oo qurbuhu deegaan u noqday iyo in aamintay dalkooda laakiin aan kusii negaan magaaladoodii oo sababo dhaqaale iyo waxbarasho ugu kala baqoolay gobolada ee kale dalka waana sababta aan u idhaahdo burco waxaa astaan iyo hal ku dhig u ah TAHRIIB AMA TAXI LAHAW oo aan u jeedo inta tahriibta laga baajiyayna samirsiin looga dhigo gaadiidyar oo xaafadaha magaalada dadka u kala qaada oo ay ka mid yihiin TIGTA iyo TAXIGA kuwaas oo marka aad usii fiirsato ay dhalinyari sooci wadaan halka badhkale oo maankoodu garansiiyey inay joogaan burco ay maandooriyaha ku fooraraan oo iskadaa inay dalka xaal ogaadaana aan madaxa qaadin 

hadana yadoo sidaa looga haajirey hadana weli magaalada burco dadka ku nooli ma yara soo galeeti waayadan danbe miyiga ka soo xeroodey ha u badnaadaane welina waa halbawlahii dalka oo waayo? waaba ta maalinta danta laga leeyahay loogu soo horeeyo somaalida waxay ku maahmaahdaa MEYD WAXAA U DANBEEYEY KAA LASII SIDO maalmo yar ka hor ay ahayd markay olalaha siraysan ay ku yimaadeen gudoomiyayaasha sadexda xisbi qaran wadanka ka jira kuwaasoo safaradoodu isku xig xigeen oo ay wakhtiyo kula qaaateen bulshada meheradaha lagu shaahola fadhiistey , geela duleedkeeda daaqa soo maaleen qaarna haba soo waraabiyeenba e laakiin maxay kuugu taal sida laagu baahanyahay looma baahi tirin maalinta danta laga gaadho ee ay umuda magaalada burco ka ay wanaag ku filayaan ay codkooda ugu hiiliyaan ayuu sanadaha badan ee uu kursiga ku fadhiyo ku ilaawaa, sida ay ugu liseen uguma hanbeeyo tallow ma bulshada magaalada burco ma jibbo raacbaa oo mid weliba ma cududaada ku cadee buu is leeyehey? Mise tallow way maqlid ogyihiin oo kii afka kala furaba waa raacsanyihiin iyagu ?

ma jiro madaxweyne inta ogaalkayga ah magaalada dhan ee caasimad ku xigeenka wadanka ah todobaad is raacsan u hoydey hada waxqabad ka haadli mayo ee hoyaati la xaal ogaado dadka oo maalmo lala joogo ayaan ka hadlayaa todobaad waa badanyahay marka loo eego inta ay la joogaan ee sadex maalmood oo is xiga ma jiro masuul dawlada dhexe ah oo gabalku ugu dhaco qoraxduna ugu soo baxdo magaalada burco hadii ay dhacdaba waa dhif iyo naadir uu u joogo arin ka tagistiisu dhib ay ku noqonayso 

muuqaal ahaan magaalada burco waxaa ka muuqda bur bur baahsan iyo wado xumo soo noqnoqatay ma dawlada hoose ee magaalada ayaa xilkeedii gabtay ? mise dawlada dhexe ayaa mashaariicaha ay dalka ka fuliso burco ka reebtay? Waa su aalo kale oo jawaabo u baahan laakiin iska soo dhaaf, iyadoo dhibaabahaasi ay buux yihiin oo ay weliba u dheertahay adkaanta maciishada iyo qaaliga baahiyihii asaasiga ahaa sida laydhka iyo biyaha hadana bulshada gobolka togdheer ma aha kuwo ka dhiidhiya

 ka falceliya waayaha ay ku sugan yihiin marmarka qaar waxaan is idhaahdaa bulshada, magaalada burco roob samir ah ayaa ku hoorey oo ku da ay hadana markaan dib u milcsido burco dadkeedu siday ahaayeen markale waxaan gocdaa dadkani reer burcadii asalka ahayd ma aha hadana waxaan arkaa qaar tan iyo tii aadan cadde soo taagnaa oo murmayay kan dhaw miyaanu ahayn aadan cadde qaar baa jira lagu dul bineeyey oo ay weligeedba hoy u ahayd waana sababta aan weli jawaab waafiya ugu la,ahay su aashan aan afsaar iyo hal bilaw uga dhigay maqaalkan ee ah MAXAA ISKA BEDELAY BULSHADII MAGAALADA BURCO ?

 W/Q:-cabdiraxmaan cali dhimbiil

email:- waa_duni@hotmail.com

facebook:-hal abuur cabdiraxmaan cali

tell:-0659988444 ama 0634996230 Â