Maxaa Dunida Qayb na Ka Dhigay Faqiir Kuwana Qani?  Q4aad

Qaybta 4’aad

Buuggu waxa uu leeyahay “Qaramadu waa kuwo duma, waxa na sabab u ah hay’adaha dhaqaalaha ku saabsan, ayaan ahayn kuwo abuura waxa ay bulshadu u baahan tahay, ee badbaadin leh, ama wixii maalgalin iyo ikhdiraacid ah. Hay’adaha siyaasadda ee xoogga ku salaysan, waxa ay hay’adaha dhaqaalaha ku taageeraan sidii ay awoodda ugu xooggayn lahaayeen kuwa ka faa’idaysanaya dhaqaale soo saarka. Hay’adaha dhaqaalaha iyo siyaasadda xoogga ku salaysani waa xididka keena burburka.” Daron iyo James, waxa ay tusaale u soo qaadanayaan madaxweynaha Simbaawi (Zimbabwe) Robert Mugabe oo muddo dheer dalka xukumayey, sannadkii 2000, ayaa bangi dowladdu qayb ku leedahay oo la yidhaa Zimbank uu bakhtiyaa nasiib u qabtay macmiishiisa, waxana shardi u ahaa in qofka ka qayb noqonayaa fursaddaasi uu xisaab ku leeyahay bangiga, taas oo xaddi Z$5000 ahi ugu jirto, waxa la helayaana waa lacag dhan Z$10,000 oo lacagta Simbaawi ah, wax yaabaha xajiibka ah ayaa noqday markii la yeedhinayey qofka helay bakhtiyaanasiibka in uu noqday madaxweynaha dalka.

1-Aragtida ay labadan aqoonyahan qabaan maaha mid diiddan in Mugabe ku guulaysan Karin, balse waxa ay tilmaamayaan in nidaamka sharci aan loo marin helitaankiisa, in aan la caddayn xaddiga lacagta ah ee madaxweynaha bangiga u yaal, in uu buuxiyey shuruuddii lagu helayey iyo in kale, bal se waxa muuqanaysa in nidaamku uu yahay mid u adeeggaya awoodda tallinaysa, oo xitaa waxyaabaha yaryar ee dadweynuhu tartanka u galaan ama bakhtiyaanasiib ha noqdo ama wax kale ba e’ ayna ka fakanayn.

Daron iyo James waxa ay leeyihiin, “Qaramadu waxa ay u dumaan dhaqaale, waxaana keensanaysa hay’adaha dowliga ah oo ah kuwo aan furfurnayn oo xoog ku dhisan, hay’adahaasi waxa ay dalalka faqiirka ah ku ilaaliyaan in ay faqiir sii ahaadaan, waxa ayna ka horjoogsadaan in dhaqaaluhu si dhakhso ah u koro, tani waa mid run ah oo ka jirta Afrika sida Simbaawi (Zimbabwe) iyo Siralyoon (Sierra Leone”. Waxa kale oo dhaqaalahan gacmaha kooban ku urursani ka jiraa koonfurta Maraykanka, sida Kolambiya (Colombia) iyo Arjantiin (Argentine), dhanka qaaradda Eeshiyana waxa ka mid ah dalalka ka arradan hay’ado dhaqaale oo furfuran waqooyiga Kuuriya (North Korea) iyo Usbakistan (Uzbekistan) iyo waliba dalal barriga dhexe ku yaal oo Masar ka mid tahay. Dalalkaa qaar baa kulayle ah, kuwo kale qoraxda ayey helaan, qaar ka mid ahi Ingiriiska ayaa guumaystay, kuwo kale waxa guumaystay dalal ay ka mid yihiin Jabbaan, Isbaanishka iyo Ruushka, waxa ay leeyihiin taariikho, dhaqamo, luuqado aad u kala duwan, waxa kaliya ee ay wadaaggaan waa hay’adaha dhaqaalaha ee xoogga ku tiirsan ama aan furfurnayn. Waxan oo dib u dhac ah waxa ugu wacan hay’adaha dowliga ah ama sharciyada, kuwaas oo u samaysan qaab kooxeed, hay’adahaasi waxa ay u qaabaysan yihiin in ay waxtaraan ama ay xooggeeyaan iyaga uun, halka bulshada inteedii kale ka maqan tahay. Kala duwanaanshaha taariikheed iyo qaab-dhismeedka bulsheed ee dalalkaasi waxa ay sameeyeen hay’ado kala duwan oo u adeegga kooxo kaliya.”

Waxa aynu arkaynaa marka hay’adaha dowliga ah shaqadoodu noqoto mid fadhiid ah oo bulshada wada adeeggayn, oo dhaqaalihii soo baxa laga fuudhyeellayo kuwa xukunka haya ama in yar oo kooban lagu naas nuujinayo in ay keensanayso dummitaan dal iyo dadba. Taas beddalkeed, waxa horumarka keenayaa waa in shuruucda dalku u dejisan tahay qaab sinnaansho, oo laga fikirayo hababkii dadka iyo dalkaba loo horumarin lahaa, hababkii doonista bulshadu awood yeellan lahayd, hababkii xisaab celin iyo la xisaabtan u jiri lahaa, hababkii ikhtiraacyo tegnoolajiyadeed iyo warshado loo abuurri lahaa, hababkii waxbarashada iyo adeegyada bulshada kor loogu qaadi lahaa, hababkii nabad galyada iyo kala dambayn loo sugi lahaa, hababkii sharcigu u sarrayn lahaa una sinnaan lahaa ka suuqa jooga iyo ka xilka haya, hababkii qofka xilka hayaa uga biqi lahaa bulshada, hababkii bulshadu uga qayb qaadan lahayd horumarka dalka iyo qorshayaasha uu dalku raaci doono. Arrimahaa kor ku xusan waa arrimaha uu dal ku jiri karo horumarna ku gaadhi karo sida uu buuggu tilmaamayo.

 Buugga ladhkiisu yahay Why Nations Fail, waa buug aad u gun ballaadhan, waxa uu isku xidhayaa tiiriikhihii hore iyo kuwa casriga ah, isaga oo ka eegaya dhinacyada horumarka iyo dib u dhaca, waxa uu si fiican u darsayaa wax yaabaha keena dib udhac ama qaramadu la dummaan iyo wax yaabaha horumarka keensada, waxa ugu badan ee uu xoogga saarayaa waa nidaamka dowladnimo in uu yahay ka ugu weyn ee saamaynta ku leh horumarka iyo dib u dhaca.

Daron iyo James cutubyada aadka u qiimaha badan ee buugga ku sheegeen waxa ka mid ah, aragtiyo aan shaqayn, oo waxa ay leeyihiin “Dalalka faqiirka ahi waa faqiir, manay keensan dhulka ay ku noolyihiin ama dhaqanka ay qabaan, laakiin se waa mid ka timid hoggaamiyayaashooda oo aan aqoon siyaasaddee lagu qaniyeyn karaa dadkooda” waxyaabaha kale ay buugga ku soo aroorriyeen waxa ka mid ah “waxa samayn kara hodannimo iyo saboolnimo, taas oo ay leeyihiin waxa ka go’aan gaadhi kara qaabka shaqo ee hay’adahu u samaysan yihiin, iyo habka ay siyaasiyiintu uga go’aan gaadhaan hay’adaha qaranku yeellanayo kuwa ay noqonayaan. Buuggan aynu soo dheeganay, kuna xusnay qormooyinkii taxanaha ahaa, kama dhigna in wax badan aynu ka sheegnay qiimaha uu buuggu leeyahay,iyo aqoonta iyo aragtiyaha ku xardhan, balse muuqaal aad u yar ayeynu ka bixinay, buuggan ay labada dhaqaale yahan iskugu tageen waa buug aad u qiimo badan oo aan ku dhiirrigalinayo in qofkii heli karaa uu akhriyo si wax badan uga ogaado dunidiii shalay iyo middda maanta, waxa kala dambaysiiyey ee kala dhantaallay, aqoonta, warshadaha, tegnoolajiyadda, nidaamka dowladnimo, taariikhihii guumaystayaasha, siyaasadaha lagu aflaxay iyo kuwa lagu hoogay ba. waxa kale oo buuggani qiimo u yeellanayaa hoggaamiyayaasha ama siyaasiyiinta, si wax badan uga ogaadaan tallaabooyinka ay qaadi lahaayeen kuwii ummad waxtari lahaa iyo kuwa fadhiidka ah ee qaramada dumiya.

Buugga oo qani ku ah taariikhda casriga ah ee dowladnimo ayaa dowlado badan u yaqaan kuwo qaran ahaan u dumsan oo u shaqayn, taas oo Soomaaliya ugu horrayso, kuwo kale oo magac ahaan u jira una shaqeeya ayaa jira sida Simbaawi iyo Sirraliyoon. Haddaynu si gaar ah u eegno dalkeena Soomaalilaan oo u eegno qiimaynta buugga, waxa aad garan gartaa in magac ahaan u jirno oo qaran ahaan u dunsannahay, siyaasad ahaan iyo nidaam ahaan ba. Hay’adaheena dowliga ahi waa kuwo aad u musuq badan oo nidaam ahaan u foolxun, waa kuwo u yagleellan laaluush iyo hanti lunsi, waa kuwo saacado yar oo kooban la heli karo inta kale na qufulku ku xidhan yahay. Nidaamkeena waxa foolxumada u yeellay ayaa ah qaabka qabyaaladeed ee u dhisan yihiin, kii masuulka ahi xil iskama saaro bulshada dhammaanteed, haddii dhaqaalaha wax ka mid ahi jeebkiisa uu ka soo hadho, waxa uu isku dhaafiyaa qabiilkiisa, oo uma haysto in uu qaranka oo dhan masuul ka yahay. Nidaamka siyaasadeed ee dalka ka shaqeeya ayaa ah mid dhaqaaleeya jeebka siyaasiga iyo qoyska, ma jiro nidaam bulshadu la xisaabtami karto oo iyagii ayaa kala qaybin lagu maamullaa, hoggaanka ugu sarreeyaa lama xisaabto wakiilkiisa, taas oo ka dhigan magac loo soo shaqo tagay, oo waxa lagu cabbiri karaa siyaasiga Soomaalilaan ama Afrikaba siyaasi aan baahnayn se maanka ka gaajaysan.

 Nidaamka kala qobqobnaanta ku dhisan ee Soomaalilaan muddo dheer ma noqon doono mid la sii hadhsado, haddii aan la hufin oo la haadin, haddii musuqa iyo aragtida gaaban ee qabiilka laga nadiifin, haddii aan laga xorrayn aragtida aan currinta lahayd ee fadhiidnimada ah, haddii aan la xooggayn sharciga iyo sinnaanshaha sharci.

Qoraallo intan ka badan waxa kala socon kartaa degalka Xuseenmahdi.wordpress.com

Dhammaad

W/Q xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

Email: asalraac@yahoo.com