Maxaa Dhallinyarada Somaliland Ka Hortaagan Hoggaanka Dalka? W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr‏

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

“Raggii lixdankii xilkiyo
Xayuubsaday maamulkaa
Illaa hadda xaadiroo
U xaydan kuraasidoo
Xafiiskana doonayee” Siciid Gahayr

Maanta (12ka Ogos) waa maalinta dhallinyarada adduunka. Ugu horreyn waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan barbaarta Islaamka iyo kuwa Somaliland. Waxaanan idinla wadaagayaa maqaal iyo maanso aan diyaariyay 2007da oo aan tifaftir kooban ku sameeyay, oo ku saabsan dhinac ka mid ah waayaha dhallinyarada.

Sideedaba bulshada meel ku dhaqani waxay ka kooban tahay saddex qaybood oo kala duwan, kuwaas oo kala ah:
1.Duqay gaboowday, talax gabay , oo maraya xilligii ay tamar daarraayeen.
2.Carruur dhalaan ah oo aan jidh ahaan iyo maskax ahaan taam noqonnin , kuna jira xilligii koritaanka iyo
3.Dhalinyaro awood badan muruq ahaan iyo maan ahaanba , oo maraya heerka ugu wanaagsan noloshooda.
Haddaba dhallinyarada oo ah bahda masuulka ka ahhorumarka ay ummadi gaadho ayaa ah qaar inta badan looga fadhiyo inay hagaan bulshadooda, waddankoodana ay hourmariyaan, si ay dhallinyaradu kaalintaas u buuxiyaan waxa habboon in ay dhalintu helaan karti iyo aqoon u fududaysa inay gaadhaan yoolakaas.
Waxyaabaha dhallinyarada ka caawiya in ay noqdaan qaar taabbogal ah, waxa ka mid ah inay door muhiima ka ciyaaraan siyaasadda iyo majaraha hoggaamineed ee uu waddan leeyahay, waayo hoggaaminta dalku waxay door aasaasi ah ka ciyaartaa hor u kaca bulshada, waxaanay xambaarataa eedda ugu ballaadhan haddii uu qaran fadhiid noqdo.
Haddaba dalkeenna waxa inta badan majaraha u haya odayaal ilaa lixdankii ku soo jiray saaxadda siyaasadda , oo maraya aynigii shaqada lagaga fadhiisin lahaa , laguna siin lahaa lacagta talaxgabka. Iyadoo aad moodid in shaqada ay ku kallifayso si ay u helaan quutal daruurigii , waayo hadday camalka ka fadhiistaan , inta badan ma helayaan wax beddel uga noqda mushahaarkii ay dawladda ka qaadan jiraan.’
Waxaase yaab badan raggaas aynigii inaanay diyaar ba u ahayn bannaynta hoggaaminta Dalka, waxaanand mooddaa in ay hada uun dhadhamiyeen macaanka siyaasadda iyo nuxurkii kursigaba. Waxa dhacday in maalin la weydiiyay Nin Oday ah oo Siyaasadda muddo badan ku soo jiray “Adeer maxaad siyaasadda uga fadhiisan wayday waadigan ayniga noqdaye?”. Odaygi wuxuu ku jawaabay “Adeer siyaasadda ka fadhiisan mayno oo meesha xoog baan ku qabsannaye , haddad xoog nagaga qaadaysaan nagaga qaada, haddii kale na daawada annaga ayuunbaa talada haynayna waligayo e”. Erayadaasina waa qaar laga naxo.
Waxa kale oo xusid mudan in hadii nin dhalinyaro ahi uu isku dayo inuu isu taago musharaxnimo in lala yaabo oo lagu dhaho “maxaad ladagdagaysaa , awoowyadaa iyo adeerradaa baa bilaa camal ahe’. Taasina waxa lakulmay nin dhallinyaro ah oo reer Hargeysa ah oo Cabdillaahi layidhaahdo, oo isu taagay doorahooyinkii dawladaha hoose ee 2002 , arintaasina Cabdillaahi waxa uu ka qaaday niyad jab weyn sida uu ka sheegay xus loo qabtay dhallinyarada Somaliland sannadkii 2006da.

Distoorka Somaliland qudhiisa ayaa ah mid duudsiyayay dhalLinyarada, waayo waxa ku qoran qodobo sheegaya in siyaasadda ayni lagu soo galo laakiin ayni lagaga fadhiiststaaba majiro inta laga god galayo, waana ta sababtayin ay 80 jirradi weli kurasida ku fadhiyaan. Waxa guul ahayd in barbaraarta 25 jirka loo oggolaado inay isu taagaan doorashooyinka Dawladaha Hoose sannadkii 2012ka.

Isku soo wada duub oo maalinta dhallinta calamiga ah, oo sanad walba la xuso 12ka Ogos ayaa markii u horraysay laga xusay Somaliland sanadkii 2006, waxaanay dhallintu isku tusaaleeyeenin ay iyaga oo midaysan ka qayb galaan talada dalka waxaanay baaq u direen odayada illaa lixdanka talada hayay iyaga oo leh “Waa doorkii aanu dirawalin lahayn siyaasadda dalka ee duqaytidaay daraf nooga leexda”. Munaasibaddaas oo gelinkii hore lagu qabtay Hotel Ambassador, habeenkiina ka dhacday Maansoor ayaa saamayn badan igu yeelatay, aniga oo ka allifay maansadan XAQDOON.

Waxaan maqaalkaygan ku soo gunaanadayaa maansadan aan kula gartamayo ragga ilaa lixdankii talada haya, isla markaana aan ku guubaabinayo dhallinta waxaanan leeyahay “Dhalinyahay yaan waligiin la idinku sasabin waxaad tihiin UBIXII BARRI, waxan idin leeyay waxaad tihiin HOGGAANKII MAANTA, ee cadkaiinna goosta”.Maansadina waa tan:

Nin aan xaraf sheegan karin
Hooyaba ma xannaanisoo
Muraad xabbadkeennu rabo
Haddaan xubin lagu caddayn
Xuub iyo daah baa korsane

Tan iyo wakhtigii xornimo
Raggii lixdankii xilkiyo
Xayuubsaday maamulkaa
Illaa hadda xaadiroo
U xaydan kuraasidoo
Xafiiskana doonayee
Barroosin xabaalan iyo
Ma xididdaa uga dul baxay
Xaruumahan dawladdoo
Xukuumaddu waa dukaan
Xisaabtiisa ay hayaan??
Mise waa xilo mar hore
Xaakinku u guuriyoo
Anaa xergiyoon ogayn??

Xusuustu qof ay yartiyo
Maxay odayaal xafashay
Wasiir xadka dhaafayoo
Siddeetan dhan xay ahaa
Agaasime xiiqsanoo
Xilligan todobaatan jiray
Dadyahaw xildhibaan da ahi
Dhibaato xalkeed karaan??
Xiniinyuu ma aynigaa??

Sharcigu xagal buu maree
Haddii xagga hoose gu’ga
Bulshooy laga soo xaddiday
Shuruud adag lagu xidhxidhay
Maxaa xagga sare ka dhigay
Mid aan xannibaad lahayn??
Xayndaabkee duqayda celin??
Ma xeerbaa taasi qaran??
Xurmada yaynaan ka tagin

Waxaa hage lagu xushaa
Xasuusta garaadka iyo
Xeldheeri aqoonta iyo
Aqoon Xirfad kaabaysee
Barbaartu xashiish nacfi la’
Dhab xaabiyo maaha liid
Xaqiida an qaadi karin
Masuul la xambaarayee
Xiddigo weeyaan jiroo
Xushmayna mutaystayoo
Xiskoodu dhamaysyahoon
Xawaaraha gaabinine
Kuwii xaafadaha arliga
Xinjirta u daadidiyo
Maxaa dhallin loo xisdiyay??
Kuwii xasiloonidiyo
Amniga xafidaayay gabi
Kuwii xurgufaha dagaal
Necbaa xansaska iyo qodax
Xudduuntii horumarkaba
Hadmaa laga xiiso dhacay??
Xariir dumarkaa hantee
Miyaan xilka loo sinnayn??
Xatooyo ninkii galaa
Ogaal xabsi loo unkee
Maxaa da”yar loo xayiray??
Toloow xeerbeegtideen
Xumaanahan eegga jira
Xabeebtan hortood dhigaa??

Qof xeel daran aad dhacdeen
Xaqiisana leexsateen
Kollay xadxatayn muriyo
Xajiin lama sii marshee
Inaad xikmad gaab tihiin
Xogtaan maqlay baan fajacay
Xafiisyada dawladeed
Qoraan ku xayuubsannee
Hadaad tidhi “xoog ku hela”
Ammaanka on xeerinnaa
Garaad xangulluu faroo
Inaan xabbad qaadannaa
Gaddii xalay waa tagtee
Xadhaadhyada aad dhahdeen
Xariifinta looma bogin

Gammaan xakamaa dabroo
Insaan cimrigaa xidhee
Xantoobo gunnooyiniyo
Bisayl la xagtaba ninkii
Xaf quudin siin lahaa
Haddii lagu sii xejuun
Xilkii nasin looga diri
Miyuu xalku noqon sidaas??
Hadduu xays meel ku da o
Xareeddana jiid la wadho
Wa loo wada xaadiraa
Inaad xoor kali dhantaan
Xanuun bay nagu tahoo
Annagu maanaan xammilin
Xaqaa maqan noogu shuba?

Waxaan hadalkii ku xidhay
Bahdayday xarafkan dhugo
Xaxeeyadu seexatee
Kacoo xusul duubta oo
Haddaad xagal wada daydaan
Xerooyinka reerihiyo
Qabyaaladda xooraysaan
Wadnaa isu xalan tihiin
Xiqdiga aad laalaysaan
Xaqiina inaad heshaan
Xaliimku hadduu fasaxo
Xarriiqan runtii berroo
Xaashida looxaa dhigtee
Dhammaan xisbi wada noqduun

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Hargeysa