Mawqifkayga”: Dardaarankii Prof. Ibrahim Meygag Samatar, Q. 1aad

Qaybtii 1-aad – Aynu waayaha dib u yar millicsanno. Weli maynaan lumin kartidii aynu u lahayn niyad-samidda iyo wada tashiga dumuqraadiga ah, kaas oo aynu ka dhaxalnay halgankii SNM, kaasi oo aasaas u ah guusha ay Somaliland gaadhay ilaa hadda. Waxa aynu u baahannahay in aynu soo noolayno damiirkii xalnaa iyo daacadnimadii, wada shaqayntii, is-calool xaadhashadii iyo walaalnimadii dadkeena dhex tiillay. Iyadoo hawshaasi ah xil saaran qof wal oo innaga mid ah, haddana baddanka culuyskeedu waxa uu ku dhacayaa hoggaanka: ha noqda kuwaga siyaasiga ah (ha mid talinaya ama mid u xusul-duuban), culimadda, odayaasha beelaha, iyo waxgaradka. Reernimadu waxay noqon kartaa tuul wanaagsan oo nabadda, suluxa, iyo horumarkaba loo adeegsado. Si qaldan haddii loo maamullo qabiilka wuxuu noqon karaa tuul aad u quwad badan oo keenaya daggaal sokooye iyo iskudhac. Bal eeg waxa ka dhacaya Somaliya (Koonfutii hore). Tartanka ganacsiga, siyaasadda iyo bulshada dhexdeedu waxay noqon karaa mid caafimaad qaba iyo mid buka. Haddii dhinaceeda buka aan laga hortegin waxay keenni kartaa fool xumo iyo dagaal sokeeye [bal eeg xaaladda Somaliya]. Mid ka mid ah sababbaha igu dhiirriyay in aan qoro qoraalkan yar ee fudud waa anoo ku war helay anigoo dhul dheer jooga in tartankani uu dhinaca foosha xun u socdo.

Waxaan joogaa magaalada Tokyo, magacaygu waa Ibraahin Meygaag Samatar. Sagaal sannaddood waxaan ahaa xubin ka tirsan golishii wasiirada ee xukumaddii Siyaad Barre, dabadeedna waxaan noqday muddo sannad ah Safiirkiisii Bonne u fadhiyey. Sannaddii 1981, waxaan ka fakaday xukuumadiisii waxaannan ka raadsaday magan-galyo waddanka Maraykanka. Sannaddo yar ka dib, waxaan noqday xubin firfircoon oo ka mid ah dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee lagaga soo horjeeday keli talliyihii, anigoo noqday mid ka mid ah hogaamiyayaashii SNM. Inkasta oo ay shaqadayda rasmiga ahi ahayd wakiilka gaarka ah ee Waqooyiga Amerika u joogga dhaqdhaqaaqa, in ka badan kalabadh wakhtigayga waxaan ku qaatay xeryaha dhexdooda anigoo la jooga odaayash iyo dagaalyahankii mayalka adkaa, aniga oo marar badan khatar geliyey naftayda. Shaqadii ugu damabysay ee SNM aan ka qabtaa waxay ahayd gudoomiyaha Golihii Dhexe. Daqiiqadii noloshayda ugu farxadda badnaydna intii aan halganka ku jiray waxay ahayd Burco, bishii May 1991-kii, markii anniga oo ah gudoomiyhii Golihii Dhexe ee SNM aan si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aankii bulshada reer Somaliland ay kula soo noqotay xornimaddeedii.

Ka dib shirkii Borama horaantii 1993-kii, waxaa la ii doortay xubin ka mid ah Aqalka Wakiilada. Laakiin isla markiiba waan iska casilay si aan baylahdayda usoo ururiyo, taasi oo aan in badan naftayda u soo huray halgankii. Intaasi dabadeed, inta ugu badan arrimaha siyaasadda waan ka aamusnaan jiray anigoo ka cabsi qabay in erayadayda si qaldan loo turjumo. Maan ku tallo gelin in aan wax dhibaato ah u keeno daydkayga. Qofku waxa uu dadkiisa u hagar bixi karaa marka uu daacad yahay. Anigoo muddo dheer maqnaa islamarkaana aan tartan ugu jirin xil siyaasadeed, waxa la gaadhay wakhtigii aan hadli lahaa. Haddalkana ugama gol lihi in aan cid ku weerarro ama ku dhalleeceeyo. Waxaan isku dayi doonaa in aan ku eekaado aagga sare ee mabaaddiida iyo damiirka. Waxa aan doonnayo in aan halkan ku soo gudbiyaana waa eray ku saabsan mabaadiidaasi. Waxaannay ku socotaa oo iska leh faca da’yarta, kuwa iska leh mustaqbalka. Waa erayo sahlan oo mabaa’dii xambaarsan oo ka soo maaxday nin hawl-gab ah. Marka erayga sida uu yahay loo dhigo, waxa uu dhayda uga caddeynayaa muwaaddiniinta Somaliland halka ay u socdaan iyo waxa uu mustaqbalkoodu noqonnayo iyo jihadda ay uga kacayaan barta ay maanta taagan yihiin. Mustaqbalku waa koodii go’aamada mustaqbalkoodana iyagaa iska leh. Dhammaan waxa aan doonayo in aan halkan ku sheegaa waa in aan si kooban u tilmaamo mabaa’diida suuraynaysa mustaqbalkaas, sida aan u arko. Waxa aan halkan ku suuraynayaa arrimo waaweyn oo la xidhiidha mabaaddiida si ay bulshadda guud u ogaato halka “siyaasi” waliba ka taagan yahay. Annigoon ku sii dheeraan aan taxo arrimahaas mabaa’diida la xidhiidha.

Mabd’a 1-aad: Midnimadda Soomaaliyeed

Midowgu waxa uu ahaa arrinta ugu muhiimsan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan muddadii lagu jiray halgankii xornimodoonka. Hadafku waxa uu ahaa in la mideeyo dhammaan degalladda ay Soomaalidu degto oo ay kala qaybiyeen madaxyo-weyntii gumaystayaashu. Anniga oo ah arday da’ yar oo dugisga sare dhigta, ayaan ka mid ahaa dadkii arrintaasi jiidan jirtay. Anigoo arday ah iyo anigoo qaan-gaadh gaashaan qaada ahba, waxaan u daggaalamay hadafkaas. Dhammaanteen waynu la wada soconnaa sheekadda. In la middeeyo Soomaali iyo dhulkeeduba waxa ay noqotay mid aan suuragalayn, marka lagu talo-qaato xaaladda iyo gegedda caalamka ee aynu ku noolnahay. Baahi uma qabno in aynu faahfaahinta ku sii dheerraanno. Maantaba Jabuuti waa dal xor ah, Soomaalidda Itoobiya iyo kuwa Kiiniyana waxay nasiibkooda iyo xuquuqdoodaba isku deyayaan in ay ka helaan dalalkaa ay ku nool yihiin. Innaga oo kaliya ayaa laynagu reebay midowgii Somaliland iyo Somalia. Inkastoo Somaliland, ka hor 1960-kii, ay xidhiidh dhaqaale, mid ganacsi iyo xidhiidho kaleba la lahayd Jabuuti iyo Itoobiya, haddana waxa ay doorbidday in ay la midowdo Muqdisho iyadoo wax kale aanay ka ahayn balse raadco ugu jirta hadafkaas guud. Inkastoo aanay ahayn in uu sidaas dhadhamo, haddana midowgii Hargeysa iyo Muqdisho waxa uu noqday qadhaadh. Waxa uu midowgu ku bilowday iyadoo aanu jirin wada-xaajood dhab ah iyo sees sharci oo hagaagsani (arrintaasi waxay ahayd gef ay galeen dadka iyo hoggaanka reer Somaliland). Wuxuu midowgu ku bilowday dheelli, iyadoo Somaliland loola dhaqmay sidii gobol mus-danbeedka yaalla halkii ay ahayd in loo tixgeliyo dal xorriyadiisii u huray midnino. Intii nidaamka dimuqraadiga ahi shaqaynayey, dadku waxay ku madaddaaloonayeen rajadda ah in isbaddel dhanka haggaagsan u dhacaa suura gal yahay. Balse afgenbigii askarta kadib waxa bilowday geeddi-socod qunyar tallaabsanaya oo dib Soomaaliya ugu gumaysanayso Somaliland ilaa laga soo gaadhayey, sannadahii danbe ee talliska, in uu u digga-rogato dulmi dhammaystiran, hallaag iyo isku-day xasuuq. Markii xaaladdaha noocaas ah lagu jiray, halgan waxa uu noqday lama huraan. Sannadkii 1991-kii ayuu halgankii guulaystay, talliskii wuu kala daatay, Somaliland dawladnimadeedii ayay la soo noqotay, Soomaaliyana waxay ku silbatay qulqulatooyin aan la xakamyn karin oo ilaa imika socda.

Talladda imika reer Somaliland la gudbooni waxay tahay in ay ku faro-adaygaan dawladnimadooda. Dadka reer Soomaaliyana ikhtiyaar kale uma furna aan ka ahayn in ay aqbalaan dawladnimadda Somaliland. Marka Soomaaliya heerkaas ay soo gaadho, waa in labadda dal ay noqdaan qaar isu san bannaan ugana shaqeeyaan xidhiidhkooda si walaalnimo ku dheehan tahay, intaas kadibna waa in uu dhex maro xidhiidh caqligu hago iyagoo ku wada nool Geeska Afrika.

F.G. Maqaalkani waxa isagoo Af Ingiriisi ah uu ku soo baxay deggalka JSL Times bishii Ogost 2-deedii, 2010. Waxa Soomaali u tarjumay Mustafe Aadan Nuur iyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan “Musaabaqo”.