Mawqifka Xukuumaddu Ma Wuxuu Ka Dhigan Yahay “Somaliland Ilaahay ayaa ka gar daran.. Xukuumada kulmiyana waa xukuumaddii horumarka” (Istaaqfurulaah)

XamdiWaxaan dhagaystay khudbadii uu ka jeediyay magaalada burco wasiirka Madaxtooyada JSL oo aan ixtiraam iyo kalgacal badan u hayo, kaasoo hadalkiisa oo aan xaraf ka badalnayn u dhignaa sidan: (Sida Abaartan uu Ilaahay inoogu sababay ayuu xanuunkan inoogu sababay…. Ma mudna in aynu siyaasadayno ama in aynu wax ka dayno arrintan…).

Waxaan ka daawaday video-gan channelka aan sida fiican ugu xidhanahay ee Maal Channel ee youtube-ka, waxaana uu cinwaanka video-gani ahaa sidan: (XANUUNKA ALA KEENAY YAAN LA SIYAASADEYN WASIRKA MADAXTOOYADA) aad iyo aad ayaan uga fajacay dhiiranaantan faraha badan iyo dadwaynihii oo aan gabi ahaamba dareen celin ka bixin arrintan.

Markaas waxaan u dhaqaaqay in aan cinwaankan oo ah sida aan u fahmay hadalka wasiirka Madaxtooyada in aan qoraal ku qoro boggayga Facebook-ga anigoo aan cidnaba u nisbayn, iyadoo hadafkaygu ahaa in aan ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay dareenka iimaaneed ee bahda Facebook-ga.

Ilaahay mahadii markiiba waxaan arkay dhaleecayn boqolkiiba boqol eraygan ku saabsan, waana hadafka aan ka lahaa faafinta qoraalkan, oo ah in dadka la tuso fool xumada ay leedahay in laga baxsado guul-darrada ay siyaasiyiintu sameeyaan oo ay Ilaahay (SWT) dusha ka saaraan isagoo ceeb ka nasahan.

Culimadu waxay isku raacsan yihiin in aan Ilaahay (SWT) shar loo nisbayn karin, oo shar kasta oo ka dhaca dunida uu sabab u yahay bini aadamka ficilkiisa khaldan, balse maaha sida uu wasiirku yidhi in Ilaahay (SWT) inoo sababay abaarta iyo xanuunka (Istaqfurulaah).

Haddaba Masuuliyada ugu weyni waxay saaran tahay culimaa’u diinka inay eraygan si midaysan u dhaleeceeyaan siday ugu midoobaan dhaleecayn arrimo aad uga yar (Sida wiilal iyo gabdho dhar xayaysiiyay..iwm).

Fashilaada siyaasadeed ee nidaamka siyaasadeed ee Somaliland iyo la xisaabtan la’aanta shacabka Somaliland waxay maanta keentay in dhamaan dhibaatooyinkan dalka ka dhacay in aanay madaxdu qiran inay lug ku leeyihiin, oo walibana ay Ilaahay (SWT) ku eedeeyaan (Istaqfuru laah), taasina waxay saadaalinaysaa mustaqbalka burbur ballaadhan oo aan la mahadin, haddii aan ka hortag weyn la sii samayn.

Dhinaca qoraalka cinwaanka waxa aan cuskaday fahamkayga ku saabsan nuxurka khudbada wasiirka madaxtooyada, su’aasha kale ee imanaysa ee ah ma dambibaa eraygan, haa, sida ku xusan fatwada nambarkeedu yahay 168785 iyo فتاوى نور على الدرب” (1 /109-111), haddii ay dambi tahay maxaad adigu u soo faafisay, ujeedadu waxay ahayd wax barid si la mid ah sidii uu Nabi Ibraahiim (CS) ugu sheegay qawmkiisii inuu caabuday meere, ka dibna u sheegay inuu caabuday dayaxa, ka dibna u sheegay inuu caabuday cadceeda, sida ku xusan aayadaha 76 – 79 ee suurada Al-Ancaam.

Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)