Mawliid Aadan Cumar: Muwaadin Ay Ciidamada Ilaalada Baanka Dhexe Ka Qafaashen Masaajid Hortii – W/Q: Garyaqaan Muuse Yuusuf

Mawliid Aadan Cumar
Mawliid Aadan Cumar

Waxaa Ciidanka ilaalada baanka dhexe ee Somaliland Bilawgii Bishan June ka qabteen masaajid Rusheeye ee Hargeysa Mawliid Aadan Cumar oo ah muwaadin Aragti haboon oo uu ku saxayo shaqada uu qaranka u hayo baanku Ku Qoray qaarka mid ah saxaafada Somaliland, Iyada oo uu Jawaab Ka bixiyay Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Sidoo Kalena Waxaa Saxaafada Qaarkeed Lagu Baahiyay Jawaab uu Mawliid Ugu Jawaabayo Afhayeen Magaciisa Qariyay Taas oo ay ka muuqanaysay Cay lafo-Jab ah Iyo Af-lagaado Qaawan, Kana Baxan Anshaxa eedaynta iyo isdifaacaba.

Hadaba Waxaa Layaab leh Isagoo Baanku Ujawaabay, Aflagaadona ku qaaday Mawliid Inuu Hadana Xadhig iyo Ashkato Sameeyo, Waxa Iyana Qalad ah In Ilaalada Baanku aanay haysan Amar Qabasho oo Muwaadinkan Loogu Gabood Falo Goob Cibaado.

Mawliid Waxa uu ilaa iyo hada ku xidhan yahay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa Isagoo Maxkamadi Soo Rumaan Garaysay 2 jeer.

Talaabada Xadhigani Waxay Gaf Ku Tahay Dhamaan Xeerarka Qaran ee uu Dastuurku ugu sarreeyo, iyo kuwa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

Waxaan usoo jeedinayaa Masuuliyiinta Baanka Inay ka noqdaan Dacwada mawliid, Maadama oo ay jawaab iyo cay xad-gudub ku ah sharaftiisa ay u geysteen,

Garsooraha Iyo Hay’adaha Baadhista ee kiiskaas gacanta ku hayana waxaan leyahay Ilaahay Waa Idin arkayaa ee Eex ka fogaada oo Isku eega Qoraalada Labada dhinac, Waxaydin arki Xadgudubka Jawaabta Baanka Dhexe.

Qalinkii Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed Hargeysa