Mataanayaashii Daarihii Mataanaha: 3,000 oo ka mid ah dadkii dhintay 9/11, waxa mataankoodii ku waayay 46 qof

London (SLpost)- Waxa dhawaan la soo saari doonaa filim ka hadlaya sheekada iyo dhacdooyinka layaabka leh ee saamayntoodu taabatay qayb ka mid ah dad noloshoodu isku xidhnayd.

Mid ka mid xirfadyahannada Marayakanka ah ee Aflaamta sameeya ayaa muddo haatan laga joogo saddex sanno waxa lagu dhiirigeliyey inuu sameeyo filim ka hadlaya shakhsiyaad mataankoodii ku waayay dhacdadii 11-ka September ee Maraykanka. Waxa la sheegaa in ugu 3,000 ay ku dhinteen weerarkaas kuwaas oo 46 ka mid ahi ay mataano ahaayeen. 46-kaas qof waxa mataano lahaa ahaa 46 maatano isku eg ah.

Marka la eego mataanayaasha hadda nool ee mataanahoodii waayay, filimkani waxa loogu talo-galay in lagu xaqiijiyo fursad aad loo rabay in loogu muujiyo sida loola dareemayo shucuurtooda iyo qaybta ka maqan.

Lisa DeRienzo oo 45 jir ah isla markaana walaalkeedii mataanka la ahaa maalintaa dhintay ayaa sheegaysa, “Waxay ahayd argagax in la arko tiro badan oo aniga ila wadaagaysa shucuurtayda, nacamti, aniga oo kale maataankeedii/kiisa waayay.”

Waxay raacisay, “Waxa u malaynayaa in dadku u baahan yihiin inay ogaadaan inaanu nahay dad gaar ah.”

Filimkan Dokumentariga ah looguna magac daray (The Twins Of The Twin Towers) isla markaana ay soo saartay Olivia Lichtenstein ayaa laga daawan doonaa shaashadda telefishanka BBC1 maalinta Salaasada ah 10:35pm

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland