Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee Caasimadda

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Aadan Cabdilaahi Cabdalla, ayaa tabobar u soo xidhay Kun Macalin oo ka tirsan Bareyaasha ka hawl-gala Madarasadaha lagu barto Xiftiga Qur’aanka Kariimka ah ee dalka.

Tabobarkan oo ay bixinaysay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo in muddo socday, ayaa macalimiintu ku qaateen casharro ku saabsan qaabka ay ardayda ugu gudbinayaan Manhaj cusub oo Wasaaraddu u diyaarisay Madarasadaha Barashada Qur’aanka Kariim ah iyo Tarbiyadda Ubadka.

Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa 20-kii July ee sannadkan soo bandhigtay Manhaj loogu talo-galay in lagu mideeyo Waxbarashada Madarasadaha Qur’aanka Kariimka ah, kaas oo Wasaaraddu in muddo ah ku hawlanayd diyaarintiisa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Aadan Cabdilaahi Cabdalla oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey Siyaasadda Wasaaradda ee ku wejahan midaynta Manhajka Waxbarasho ee Madarasadaha Qur’aanka iyo tayaynta macalimiinta ka hawl-gala.

“Tabobarkan oo in muddo ahba socday, waxa bixinayey Maxadka tabobarka Macalimiinta iyo Imaamyada Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta oo la aasaasay sannadkan, waxaana loogu talo-galay in lagu tayeeyo macalimiinta, maamuleyaasha madaarista Qur’aanka iyo Imaamyada iyo Mu’addimiintaba maadaama oo wasaaraddu masuul ka tahay arrimaha Diinteenna suubban.

Wasaaraddu waxay tabobarkan ugu talo-gashay in macalimiinta lagu tabobaro qaabka ay u dhigayaan Manhajka oo ay fekrad guud ka qaataan. Waxaanu ugu talo-galnay  in 7 Kun oo Macalin oo dalka oo dhan ah la guddoonsiiyo shahaadooyin dhammeystiran oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta, taasna waxaad ka garanaysaa muhiimadda aad leedihiin macalimiin iyo maamul ahaanba.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu macalimiinta iyo Ardaydaba u leeyahay tabobarka oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee ay qaataan bareyaasha ka hawl-gala Madarasadaha lagu dhigo Qur’aanka Kariimka ah.

“Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaaftu waxay Madarasadaha Qur’aanka Kariimka ah u diyaarisay Manhaj tilmaamaya sidii Ilmaha yar ee gacanta lagu hayaa u noqon lahaa Ilme yar oo ku barbaara Illaahay Kitaabkiisa iyo Qawlkiisa isla markaana la helo macalin ku habboon oo u dhigi kara.

“Manhajkan oo diyaarintiisu muddo badan nagu qaadatay, waxaanu ku doonaynay inaanu ku midayno Waxbarashada Aasaasiga ah ee malcaamadaha Qur’aanka Kariimka ah oo sidii ay hore u ahayd wax iska beddelaan si Macalinka iyo ardayguba ay fursad u helaan oo ardaygu uu madarasad ka soo beddelan karo, halkii uu marayana looga bilaabi karo maadaama oo aynu haysanno manhaj midaysan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, isagoo halkaas ka sheegay inay wasaarad ahaan sii wadayaan tabobarka macalimiinta Madarasadaha Qur’aanka, kuwaas oo uu ugu baaqay dhammaantood ka faa’idaystaan tabobarrada.

Gebo-gebadii munaasibadda, waxa uu Wasiirku shahaadooyin ka tarjumaya inay tabobarka dhammaysteen ku guddoonsiiyey macalimiinta Madarasadaha Qur’aanka Kariimka ah oo muddo dhowr maalmood ah ka faa’idaystay casharro iyo duruus ay bixinayeen culimo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net