Masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska oo Booqday Goob-dalxiiseedyo Qadiimi ah

Hargaysa(SLpost)-Masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarrada, ciyaaraha iyo dalxiiska Jahmhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa kormeer shaqo ku tegay goobaha qadiimiga ah ee dalxiiska  ee Laas-geel iyo Dhagax Nabi-galay.

Masuuliyiintan ayaa kormeerkooda shaqo ujeedadiisu ahayd sidii ay ugu kuur-geli lahaayeen goobaha qadiimiga ah ee dalxiiska degmadda Laas-geel, waxaana ugu horeyn ay booqdeen goobta dalxiiska ee Dhagax Nabi-galay oo ah dhagax weyn oo guddaha loo galayo kaas oo sidii buulka u samaysan marka guddaha la galo, sidoo kale waxay booqdeen xabaalo tiro baddan oo iyaguna ah kuwo qadiimi ah.

Dalxiis

Waxaa masuuliyiinta wasaaradda uga war-bixiyey goobta dalxiiska ee Dhagax Nabi-galay Mr. Cabdisalaan Shabeele oo ah khabiir weyn oo ah saraakiisha waaxda dalxiiska ka tirsan, waxaana uu masuuliyiinta uga waramay inay dalka ahmiyad weyn u leedahay in la ilaaliyo guud ahaan goobaha dalxiiska.

Masuuliyiinta wasaaraddu  waxa kale oo ay booqdeen goobta dalxiiska ee Laas-geel, oo ah halka ugu caansan goobaha dalxiiska Somaliland. Agaasimaha waaxda dalxiiska Mr. Ibraahim Maxamed Diiriye (Shide) ayaa uga war-bixiyay goobtan oo ah goobaha loogu dalxiis baddan yahay, waxaa sidoo kale uu masuuliyiinta u soo ban-dhigay dhawr meelood oo u baahan in la dhiso si ay u dhawrsanaadaan  goobtani.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarrada, ciyaaraha iyo dalxiiska Mudane Cabdillaahi Faarax Maydhane ayaa gabagabadii kormeerkooda ka hadlay, isaga oo sharaxay muhiimada qaran ee ay leeyihiin goobahan dalxiisku, isaga oo xusay in ay dabooli-doonaan baahiyaadka ka jira goobahan. Sidoo kale, masuuliyiintani waxa ay la kulmeen guddoomiyaha degmada Laas-geel, odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Laas-geel.