Masuuliyiinta Wargeyska Xayiran ee Haatuf oo Xoriyaddooda loo soo Celiyey, Kana dareen-celiyey Waxyaabihii ay la kulmeen

haatufHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftrihii Wargeyskaas Axmed Cali Cige oo muddo saddex todobaad ku dhow ku jiray xabsiyada magalooyinka Hargeysa Gabiley,  ayaa xorriyaddooda loo soo celiyey maanta ka dib markjii sida la sheegay dammaanad lagu sii daayey.

Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska Xayiran ee Haatuf, ayaa 10-kii Bishan laga dhex-qabtay Maxkamadda gobolka Hargeysa oo ka gar-sooraysay dacwad xubno wasiirro ahi ka gudbiyeen Wargeyska Xilli la dhegaysanayey doodda garta labada dhinac, waxaanay Maxkamadda isla wakhtigaas ku ridday labada masuul xukun Rumaan ah, sidaasna loogu diray Xabsiga.

Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Hargeysa, ayaa ka war-bixiyey qaabkii sii-deyntoodu u dhacday iyo waxyaabihii ay kala kulmeen Xabsiga.

Guddoomiyaha iyo Tafatiraha Haatuf waxay sheegeen inuu xadhiggoodu marka horeba ahaa mid sharci-darro ahaa loona oggolaan-waayey inay is difaacaan iyaga oo xor ah, isla markaana ay ahayd in dacwadooda lagu dabaqo xeerka saxaafadda Somaliland. Labadan Masuul waxa ay sheegeen inaanay ogayn sababta loo sii daayey, balse markii ay gaadheen magaaladda Hargeysa loo sheegay in lagu soo daayey damaanad ahaan.

Ugu horayna Guddoomiyaha Haatuf Media Group Yuusuf Cabdi Gaboobe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Alxamdulilaah aad ayaanu aniga iyo Tafatiruhuba u wanaagsanahay, waxa nala soo daayey abaaro labadii duhurnimo ee maanta  oo aanu ka soo baxnay xabsiga Gabiley. Waxaanu imika xidhnayn mudo 18 cisho ah oo laba maalmood waxaynu ku xidhnayn jeelka Hargeysa, ilaa 16 maalmoodna waxaanu ku xidhnayn Jeelka Gabiley. Ilaa imika si dhab ah uma garanayno sababta naloo soo daayey ee xoriyaddayda naloogu soo celiyey inkasta oo aanu maqlaynay markii aanu Hargeysa soo gaadhnay in Damaanad ahaan nalagu soo daayey,” ayuu yidhi Yuusuf Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Ilaa imika ma ogin in Wargeysyadii Haatuf iyo Somaliland Times in la sii daayey iyo in kale laakiin xaqiiqatan sida cadaaladdu ku jirto waa in xayiraadda laga qaado Wargeysyada oo ciidanka laga qaado xarunta Wargeyska ee muddada labada bilood ah ay dul fadhiyaan ciidanku.

Sharci-daro iyo tacadi badan oo naloo gaystay ayaanu tirsanaynaa oo gaar ahaan aniga iyo tafatiraha wargeyska naloogu sameeyey oo xuquuqdayadii aas-aasiga ahayd ee distuurku noo damaanad qaaday ayaa lagu tuntay. Xaqiiqatan haday tahay xaga garsoorka, xaga Bilayskaba si xun ayaa naloola dhaqmay, Anaga oo aan wax dhibaato ah ka sheeganaynin Masuuliyiiinta iyo askarta xabsiga Hargeysa iyo ka Gabiley-ba oo run ahaantii aad moodo inay xabsiyadaasi maamulaan dad Professional ahi,” ayuu yidhi Yuusuf Cabdi Gaboobe.

Yuusuf Cabdi Gaboobe mar wax laga waydiiyey waxa uga meel yaala oo ay yeelayaan, waxa uu yidhi, “Horta maanta ayuun baa nala soo daayey oo waxaanu yeeli doono waxaanu kala tashan doonaa Qareenadayda, waxa kale oo aanu la tashan doonaa oo aanu is waraysan doonaa shaqaalihii iyo masuuliyiintii kale ee Haatuf ee aanu ka maqnayn mudadii aanu xidhnayn.”

Tifaftiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige oo isaguna dareenkiisa iyo waxyaabihii ay la kulmeen muddadii ay xidhnaayeen ka warbixiyey, ayaa sheegay in si fiican loola dhaqmay mudaddii ay ku jireen xabsiyada Hargeysa iyo Gabiley, isla markaana aanay wax dhibaato ah ka sheeganaynin askarta iyo masuuliyiinta xabsiyadaasi oo uu uga mahadnaqay sidii ay ula dhaqmeen.

 

SOMALILANDPOST.NET