Masuuliyiinta Wakaaladda Wararka Ee Associated Press-Oo Ka Hadlaya Labada Wariye Ee Shalay Lagu Weeraray Afghanistan

New york (SLPOST) :- Mas’uuliyiinta Dalka Afghanistan Ayaa Sheegay In Askari Booliska Ka Tirsan Uu Toogtey Laba Dumar Ah Oo Weriyeyaal Ajnabi Ah,

slpost

Oo Midi Ay Dhimatey, Mid Kalena Uu Dhaawac Soo Gaadhey, Iyaga oo Waddankaasi Shacabka Ku Nool Ay Maanta Udareereen Doorashada Madaxweynaha.

 Weriyaha Dhimatey Ayaa Magaceeda Lagu Sheegay Anja Niedringhaus, Oo 48 Jir Ahayd, Una Dhalatey Jarmalka, Waxayna U Shaqeyneysey Wakaaladda Wararka Ee Associated Press.  Weriyaha Kale Oo Iyana Xaaladdeeda Ay Wanaagsan Tahay Markii Laba Jeer La Toogtay.

Mas’uuliyiinta Ayaa Sheegay In Dhacdadaasi Kadib, Sarkaalkii Booliska Ee Toogashada Geystey Lagu Xidhay Saldhig Boolisku Ku Leeyihiin Gobolka Khost Ee Bariga Dalka Ku Yaalla.

Wakaaladda Wararka Ee The Associated Press Ayaa Sheegtay In Labada Weriye Ay Ku Safrayeen Kolonyo Gawaari Ah Oo Ay Wateen Shaqaalaha Doorashada Oo Agabka Doorashada Ka Soo Qaadey Badhtamaha Magaalada Khost, Isla Markaana Geynayay Goobo Ku Yaalla Duleedka Magaalada Markii La Weerarey.

Iyaga oo Gaadhigooda Ku Jira, Sugayana Inay Dhaqaaqaan, Ayaa Taliye Unug Oo Ka Tirsan Booliska Uu U Dhaqaaqey Dhanka Gaadhiga Weriyeyaasha, Isaga oo Ku Qaylinaya “Allahu Akbar” Kadibna Uu Rasaas Oodda Kaga Qaaday Weriyeyaasha.

Niedringhaus Ayaa Isla Goobta Ku Qur Baxdey, Halka Gannon Lagu Soo Waramayo Inay Ku Jirto Xaalad Deggan.

Tifaftiraha Sare Ee AP, Kathleen Carroll Ayaa Magaalada New York Ka Sheegtay In “Anja Iyo Kathy Dhowr Sannadood Ka Wada Shaqeynayeen Afghanistan, Iyaga oo Ka Soo Waramaya Dagaalka Halkaa Ka Jira Iyo Nolosha Dadka Intaba..”

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland/Office

A/kadir Askar