Masuuliyiinta Ugu Sareeya ee Caddaaladda iyo Garsoorka Qaranka oo Hawlo Shaqo u Tagay Gabiley iyo Boorama

 

Boorama(SLpost) – Guddoomiyaha maxakamadda sare Aadan Xaaji Cali, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan, iyo wasiirka caddaaladda Axmed Faarax Cadarre, ayaa socdaal ku tagay magaalooyinka Gabiley iyo Boorama, halkaasi oo ay u kuur galayeen hanaanka caddaaladeed ee gobollada Awdal iyo Gabiley.

 

Masuuliyiintan bahda garsoorka ayaa u kuur galaya hanaanka shaqo ee maxakamaddaha gobollada Awdal, xaaladda xabsiyada iyo goobaha caddaaladda, si ay u hubiyaan sida hanaanka caddaaladeed dhaqan gal uga yahay. Bahda garsoorka ayaa ku hawlan dib u habayn lagu wado caddaaladda wadanka oo hore cabasho balaadhani uga jirtay.

 

Guddoomiyaha maxakamadda sare ayaa sheegay inay u kuur galayaan hanaanka shaqo ee maxakamaddaha, xabsiyada iyo xeer ilaalinta, islamarkaana ay joogi doonaan ilaa maalinta bari ah.