Masuuliyiinta Maxjarka Indha-Dheero iyo Koox Ganacsato ah oo markii u horeysay ka hadashay Khilaaf ay qayb ka yihiin oo ka taagan Maxjar saddexaad oo laga dhisayo Berbera

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiinta Maxjarka Indha-deero ee Magaalada Berbera ayaa markii u horaysay ka hadlay waxa uu ku salaysan yahay Khilaaf ka dhexeeya iyaga iyo Ganacsato kale oo Berbera ka furaya Maxjar saddexaad.

Maxjarka Indha-deero oo ah Maxjarkii labaad ee laga dhiso magaalada Berbera, waxa wada leh Shirkadda Indha-deero Group iyo Nin u dhashay dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo ALA-YAASIR.

Masuuliyiinta Maxjarka Indha-Dheero iyo Koox Ganacsato ah oo markii u horeysay ka hadashay Khilaaf ay qayb ka yihiin oo ka taagan Maxjar saddexaad oo laga dhisayo BerberaMustafe Xaaji Cabdi Cawad Indha-deero oo ah Masuulka ugu sareeya Maxjarka, ayaa sheegay in nin wakiil u ahaa Maraakiibta Maxjarka iyo ganacsato kale ay leexsadeen Alaab lagu casriyeynayey maxjarkooda isl amarkaana damceen inay ku dhistaan maxjar cusub, ka dib markii Alaabta uu magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu uga soo dhiibay wiil uu dhalay Ganacsade Carabka ah ee saamiga ku leh Maxjarka Indha-deero.

Madaxa Shirkadda Abu Yaasir oo ah Nin Carab ah ayaa isna sheegay in Lacagta gashay Alaabta lagu furayo Maxjarka saddexaad ee Berbera ay leeyihiin isaga iyo qolada ay Shurkada yihiin ee Indha-deero.waxa uu rajo ka muujiyay inay hantidoodaasi heli doonaan islamarkaana Maxakamaddaha dalku kala saari doonaan labada dhinac.

HALKAN KA DAAWO HADALKA MASUULIYIINTA MAXJARKA INDHA-DEERO

Dhinaca kale, Ninka Wakiilka u ahaa Shirkadda Indha-deero, laguna magacaabo Yuusuf Cali Nuur oo aanu khadka telefonka ku weydiinnay waxa uu kaga jawaabayo eedaymaha loo jeediyey, ayaa ka gaabsaday inuu arrintan ka hadlay, isaga oo sheegay inaanu diyaar u ahayn ka-hadalka arrintan, arrintaas xalkeedana ay maanta u ballansan yihiin dhinaca kale ee wax ka dhaxeeyaan.

Murankan ayaa soo ifbaxay ka dib markii Maxjarka Saddexaad ee Berbera oo ganacsato dhisaynayso ay soo weerareen Koox Hubaysan oo ka socotay dhinaca shirkadda Indha-deero, taas oo sababtay in wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland socdaal ku gaadhay magaalada Berbera isla markaana kulamo la qaatay maamulka degmada Berbera iyo gobolka Saaxil. Haseyeeshee ilaa immika xal lagama gaadhin muranka ka taagan Maxjarka.