Masuuliyiinta Caafimaad ee Gobolka Togdheer oo si weyn uga qayliyey xaaladda la-tacaalidda cudurka Jadeecada oo gobolka ku fidaya

Burco (SLpost)- Masuuliyiinta   wasaaradda caafimaadka  ee gobolka  Togdheer  ayaa maanta si cad  ugu dhawaaqday  inay adag tahay sida  loola tacaali karo  xaaladda cudurka  Jadeecada  oo ku sii faafaya  deegaanada gobolka togdheer.

Isu  duwaha  caafimaadka ee gobolka  togdheer Dr  Cabdi Yaasiin, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xarunta  caafimaadka ee gobolka togdheer   iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda  “WHO”  oo maanta shir jaraa’id  ku qabtay  magaalada   Burco  ayaa waxay  tilmaameen in cudur  jadeecada  uu ku faafayo  deegaamada  gobolkaasi,  iyagoo sheegay in xadiga  dadka ee uu ku dhacay  xanuunkaasi ay  sii kordhayaan, isla markaana cusbitaalku aan  qaadi karayn.

Isuduwaha  caafimaadka  ee gobolka  togdheer  Dr  Cabdi  yaasiin oo shirkaasi jaraa’id  ugu horayn ka hadlay ayaa wuxuu cadeeyey  in ilaa iyo hadda dadka uu ku dhacay  xanuunkaasi ee soo gaadhay  cusbitaalka Burco ay  gaadhayaan  350  qof  oo isugu jira caruur,  dad waaweyn,  haween iyo  weliba  dadka ay  da’doodu  dhaxdhaxaadka tahay.

Isuduwuhu  waxaa kaloo uu sheegay  in  bishi labaad   ee lasoo dhaafay  uu  cudurkani  ka bilaabmay  deegaamo  ka mid ah  gobolka saraar,  haatana  uu soo gaadhay  deegaano ka mid ah gobolka tagdheer   iyo xaafado  ka mid ah  magaalada  burco gaar ahaan xaafadaha October iyo  agagaarka sayladda.

Sidoo kale,  agaasimaha  cusbitaalka  magaalada  Burco  Dr Cabdiqaadir Muuse  ayaa isna dhiniciisa ka  sheegay in  sida lagula  tacaali karo  xanuunkani  ay  tahay  ka hortag balaadhan oo la sameeyo,  waxaanu ugu  baaqay xukuumadda Somaliland  wasaaradda  caafimaadka  iyo  hay’adaha  ku shaqada leh  caafimaadka   inay  gurmad ka qeystaan  sidii loola tacaali lahaa loona  xakamayn lahaa fiditaanka  cudurka jadeecada.

Dr  Cabdiqaadir  Muuse  waxaa kaloo uu ka digay in  haddii  ay  xaaladani sii socoto ay  keeni karto dhimasho iyo mid ka adag halka uu maanta marayso.

SOMALILANDPOST.NET

SLpost News/Hargeysa