Masuuliyiin Sarsare oo ka socda Dawladda Faransiiska oo dalka Socdaal ku yimi iyo nuxurka kulan dhex maray Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa, (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo safiirka Faransiiska u fadhiya dalka Jabuuti Ambassador Rene Forceville ayaa maanta socdaal ku yimi caasimadda Jamhuuriyadda ee Hargeysa.

Weftigan oo ka kooban saddex xubnood, waxa qasirga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo).

Waxa sidaas lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha, waxaana lagu sheegay in ujeeddada socdaalku safiirku khusayso sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Faransiiska.

[IVRSS_GALLERY:TYPE=gallery1:DISPLAY=2:HEIGHT=170:RANDOM=YES]

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, Safiirka Faransiisku waxa uu kaga dhawaajiyey in Dawladiisu danaynayso inay Somaliland ka caawiso dhanka Horumarka iyo kobcinta Ganacsiga Gaarka loo leeyahay.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland ayaa weftiga uga warramay xaaladda dhabta ah ee nabadgelyada dalka, isaga oo u sheegay inay Somaliland ku guulaysatay adkeynta nabadgelyada baddeeda iyo weliba nabadgelyada gudaha. Waxa kale oo warsaxaafadeedka lagus sheegay in madaxweynuhu ka dalbaday weftiga Faransiiska ah inay dalka gaadhsiiyaan sidii ay Somaliland wax ugala qaban lahaayeen dedaalkeeda ku aaddan dhanka horumarka iyo nabadgelyada.

Kulankan dhex maray labada dhinac oo madaxweynaha Somaliland ay ku wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed-rashiid Sh. Xasan, waxa dhanka weftiga Faransiiska ah Safiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhigga Faransiiska Renu Morechaux iyo Xoghaya koowaad ee Safaraadda Faransiika ee Jabuuti Alexdener Jabet.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net