Masuuliyiin ka tirsan ururrada Hadhay oo ka hadlay Xadhigga Guddoomiyaasha JAMHUURIGA iyo NDB & Ciidamada RRU oo fashiliyey Mudaharaayo la abaabulayey

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU oo maanta xabsiga u taxaabay xubno ka mid ah Ururaddii ku hadhay wareegii koowaad oo abaabulayey mudaharaad, ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay dad rayid ah oo isku dayey inay sameeyaan mudaharaadyo xambaarsan fekerka ururrada guddoomiyeyaashooda la xidhay.

Guddoomiye kuxigeenka Ururka UDHIS Cali Qoor-Seef oo ka hadlay xadhigga masuuliyiinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Ururaddii hadhay ay ciidamadu u taxaabeen saldhigga Dhexe ee magaalada iyaga oo wakhtigaan ku sugan barxadda hore ee Kheyriyada iskuna dayaya inay mudaharaad sameeyaan.

Mr Qoorsheef waxa uu sheegay Guddoomiyaha Ururka NDP Foosiya Yuusu Xaaji Aadan, Guddoomiyah Ururka Jamhuuriga Axmed Sandoon iyo Maxamed Odawaa Cigaal oo ka mid ah UDhis waxaanu yidhi,“waxa la xidhxidhay dad badan oo ay ka mid yihiin Guddoomiyihii Ururka NDB Foosiya Xaaji Aadan iyo guddoomiyaha Ururka Jamhuuriga Axmed Sandoon, Maxamed Odawaa Cigaal oo ka mid ah Ururka Jamhuuriga, waxa kale oo laxidhay Cabdiqaadir SheekhYuusuf Sh. Madar oo ka mid ah UDHIS iyo Yuusuf Siyaad oo isaguna ka mida UDHIS, waxa la qabtay iyaga oo khayriyada Hargeysa hortaagan oo wax mudaharaada samaynayn”

“Waxay ku xidhan yihiin Saldhiga dhexe ee Booliska, waxaanu u aragnaa sharci daro oo xaquuq dastuuriya oo muwaadiniintu lahayd oo loo diiday ayey ahayd. Takale waxa weeye natiijadan la soo saray oo iyaduna an sharci ahayn, wax alaale iyo wax nimankii Guddiga sheeganayey meel ay wax ku shegeen mahayno oo ardayga yar ayaa marka uu ku dhaco Imtixaanka waxa layidhaahdaa waxaad ku dhacday Tariikhda ama Xisaabta ama Carabiga midna lama odhan ee go’aan Siyaasiya oo Dawladu ay soo saartay ayaanu u aragnaa,” ayuu yidhi Mr. Qoorsheef

Waxaanu intaas ku daray.“Lamaanu hadal maanta oo waayo markii hore ayaanu laba jeer codsanay inaanu samayno mudaharad salmiya, labadii jeerba waxa diiday  Wasaarada arrimaha gudaha oo waa xaquuq muwaadinku leeyahay.”

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu sheegay inay ururrada maanta mudaharaad ka dhigeen magaalada Burco isla markaana ay kala qayb galeen guddoomiyeyaasha ururradu, “Waxa mudaharaadka laga dhigay BURCO oo sifiican ayaa loo dhigay, waxaana ka hadlay Guddoomiyihii UDhis oo shalayna waad ogaydeen sida loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco iyo arrinta uu ka hadlay. Haddii Cadaaladdi ay jirto dawlada ayaa qaban lahayd oo hore maxkamada ummaanu  gudbin ee waanu ugudbin doonaa,” sidaas ayuu yidhi Cali Qoor-seef.

SLpost News/Hargeysa