Masuuliyiin Ka Socda Sucuudiga Oo Arimaha Abaaraha Xalay Kala Shiray Madaxtooyada

Hargeysa(Slpost)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ahna gudoomiyaha guddiga heer qaran ee gurmadka abaaraha, ayaa fiidkii xalay hoolka shirarka ee qasriga Madaxtooyada ku qaabiley wefdi ka socda Ururka Dalalka Islaamka (OIC) ee fadhigiisu  yahay Jeddah Sucuudi Arabia.

 Madaxweyne ku xigeenka, waxa ku wehelinaayey kulankaas, wasiirada Diinta iyo Awqaafta, Maaliyadda, Beeraha, Degaanka iyo Horumarinta miyigiga, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, gudoomiyaha ka hortaga aafooyinka iyo Maareeyaha Xafiiska samafalka, halka ay dhinaca ururka dalalka Islaamka uu hogaaminaayey Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Dalka Kenya, Ali Osman, una qaabilsan boqortoodayada sucuudiga Somaliland iyo Soomaaliya iyo Sacad Muhanna Al-Suweyd, oo ah agaasimaha hay’ada waddaniga ah ee u qaabilsan boqortoyada sucuudiga gurmadka iyo Maxamed iidle Sabri oo ururka dalalka Islaamka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliy.

 Weftiga ururka dalalka Islaamka iyo boqortooyada Sucuudiga ayaa ujeedadoodu safarkooda Somaliland ku tilmaamay inuu jawaab u yahay qaylo dhaantii abaaraha ee Madaxweynuhu u kala diray caalamka.Madaxweyne ku xigeenka iyo Masuuliyiintii wehelinaysay waxay weftiga dalalka islaamka u bandhigeen qorshaha sida looga hawlgelayo jiidaha abaaruhu saameeyeen oo ah guud ahaan dalka, kuwaas oo hore loo qorsheeyey siday u kala daran yihiin.

 Waxay ku dareen oo kale in Somaliland leedahay barmaamijyo loogu talogalau in wax lagaga qabto abaaraha oo noqnoqonaya, dalalka islaamka iyo carabtana dhaqaale iyo talaba ay ka codsanayaan inay kaga qaybgalaan sidii qorsheyaashaasi ficil loogu bedeli lahaa.

 Dhinacooda weftigu waxay sheegeen inay haatan wadaan raashin 25 Kun oo Qoys ku filan, kuwaas oo maanta bilowgooda lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa, ugu horayna laga qaybindoono Hawd iyo Gabiley, sidaana ay isku dabajoogi doonaan ilaa dalka la wada gaadhsiiyo.Weftigu waxay kale oo ay sheegeen inay ka damqadeen xoolaha ku leeday ee abaaruhu ku dileen dhinaca galbeed ee dalka.

 Mar ay ka hadlayeen weftigu waxka qabashada abaaraha soo noqnoqday waxay tilmaameen inay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan qorshaha ay dawladu wax kaga qabanayso arrintaas, iyagoo intaa raaciyey inay danaynayaan inay wax ku darsadaan horumarka dalka ka socda Sida: qodista Ceelal biyood, samaynta goobo lagu kaydiyo biyaha, iyo dhismaha xarumo caafimaad iyo waxbarasho.

 waxay kaloo sheegeen in ku dhawaaqida taakulada abaaraha ka dib ay la kulmi doonaan wasiirada wasaaraddaha qaarkood oo uu ka mid yahay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, si ay ugala hadlaan waxay kala qaban karaan hawlaha dalka ka socda, iyagoo balan qaaday inay joogtaynayaan xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac.

 Ugu danbayn Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna Gudoomiyaha guddida heer qaran ee abaaraha Mudane Saylici waxa uu weftiga uga mahadceliyey soo ajiibidda baaqii gurmadka abaaraha iyo taakulada ay hadda keeneenba, waxa kale oo uu madaxweyne ku xigeenku balanqaaday in ay dhinacooda sii xoojindoono wadashaqaynta dalalka Islaamka ee ay Somaliland ka midka tahay.

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.