Masuuliyiin Ka socda Shirkadda Ballor African Logistics oo Hargeisa soo gaadhay iyo Ujeeddada Socdaalkoodu Daarran yahay

Hargeysa(SLpost) Saraakiil ka socda Shirkadda Faransiiska ah ee maamusha Dekedaha ayaa ku sugan Somaliland labadii maalmood ee u danbeeyay iyadoo Xukuumadda Somaliland aanay wax war ah ka soo saarin.

Saraakiisha Shirkadda Ballore ayaa booqday magaalo xeebeeda Berbera waxaanay soo indho Indheeyeen Dekedda Berbera oo ay doonayaan in ay Maal-gelin iyo Suuq Gayn u sameeyaan.

Illaa hada si rasmi ah looma Oga wadahadalka ka dhaxeeya Somaliland, hase yeeshee waxa la filayaa sida ay wararka hordhaca ahi sheegayaan in ay doonayaan in lagu wareejiyo Maamulka Dekedda, iyagoo ku samayn doona Maal-gashi lagu qiyaasay illaa shan boqol oo Milyan oo Yuuro.

Xukuumadda haysa talada Somaliland ayaa quud daraynaysay in ay heshiis la gasho shirkadda Ballore waxaana lagu waday safarkii dhawaan madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tagay dalka Turkiga in ay Lugtiisa labaad noqoto Dalka Faransiiska, balse taas bedelkeeda waxa Dalka booqasho aana shaacin ku yimi qaar ka mid ah saraakiisha shirkaddaas oo lagu wado si hoose in ay Xukuumadda u wada hadleen.

ballore-

Dublamaasiyiin la socda Xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo shirkaddan ayaa sheegaya in uu gabagabo ku dhaw yahay, hase yeeshee Af-hayeen u hadlay shirkadda ayaa AFP u sheegay in aya aad u danaynayaan Heshiiska balse waxa uu sheegay in loo baahan yahay qorshe dheeraad ah, waxaanu intaas raaciyay inaanay wali jirin Heshiis dhab ahi.

ilo wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa Shirkadda Bollore ayaa Somalilandpost u sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis madaxda shirkadda geeyay Dekedda Berbera isla markaana la filayo in ay kulan la yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo.

lama oga in kulanka ay labada dhinaca wada yeesheen Heshiis rasmi ah lagu gaadhay iyo inkale, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Loolan ama baayactan xukuumadda Somaliland kula jirto Sadex shirkadood oo midkood tahay shirkadda Bollore oo ah Faransiis isla markaana maamusha Dekeddo badan oo Afrikaan ah, Shirkad Turki ah iyo mid Maraykan ah.

dhamaan shirkadahan ayaa Madaxweyne Siilaanyo usoo bandhigay qorshayaal ay doonayaan in ay ku casriyeeyaan Dekedda Berbera, taasoo ay suuq uga raadinauyaan dalka Itoobiya oo danaynaya in uu Isticmaalo Dekedda Berbera 30% haddii ay Somaliland ku qanacdo qorshe Ganacsi oo ay labada dal usocda.

shirkadda Bollore waxa hogaaminayay oo dalka keenay safiirka Somaliland u fadhiya Paris, sidoo kale waxa bar bar yaacaya koox Dilaaliin ah oo Reer Somaliland ah oo in badan ku mashquulsanaa mashruucan sidii ay u fulin lahaayeen.

Somalilandpost.net

Hargeysa