Masuuliyiin Iskugu Jira Goleyaasha Baarlamaanka Iyo Xukuumadda Oo Aqoon Korodhsi Ugu Baxay Itoobiya

Hargeysa (SLP)-Wefti  xubnihiisu ku dhow yihiin soddameeye xubnood oo iskugu jira Goleyaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa shalay dalka ka dhoofay si ay tababar dhinaca hoggaaminta ah ugu soo qaataan dalka  aynu dariska nahay ee Itoobiya.

Weftigan waxa Hoggaaminaya Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaana xubno ka ah Xildhibaanno ka tirsan Wakiiladda iyo Guurtidda, Wasiir Ku xigeennada Warfaafinta iyo Shaqadda iyo Agaasimeyaasha wasaaradaha qaarkood.

“Waxaannu nahay wefti balaadhan oo ka socda Somaliland  kuna socda dalka Itoobiya,  waxaanu dalkaas u tagaynaa tabobar ku saabsan hogaaminta. Weftigani waxa uu ka kooban yahay labaatan mudane oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, agaasimeyaal guud  iyo Wasiir ku-xigeenno,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu.

Mar uu gudoomiyuhu ka hadlayay qiimaha uu tabobarkaasi u leeyahay xubnahan iyo waxyaabaha kale uu u qorshaysan inta ay joogaan dalka Itoobiya waxa uu yidhi  “Tabobarkaas waxaanu filaynaa in uu wax badan ku soo kordhin doono Somaliland, intaanu halkaas joogno, waxaanu kulamo la soo qaadan doonaa haddii Alle  yidhaahdo madaxda dalka Itoobiya.

Waxa kale oo aanu la kulmi doonaa ururka midowga Afrika. Waxa iyana aanu is leenahay oo aanu doonaynaa in aanu wax ka soo qabanno arrinta qadiyada Somaliland iyo ictiraaf raadinta.”

Somalilandpost

Hargeisa Office