Masuul Shallay iska Casillay Golaha Wasiirradda oo Maanta loo Dhaariyey Golaha Wakiillada

 

Hargeysa(SLpost)-Mudane Axmed Cabdi Kaahin oo hore u ahaan jiray wasiirka Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta loo dhaariyay inuu noqdo xubin ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ka dib markii uu todobaadkan gudihiisa iska casilay xilkii wasiirnimo.

 

Dhaarinta mudanahan ayaa ka dhacday maxkamadda sare ee Somaliland ka dib markii uu gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali  Axmed maanta Xafiiskiisa ku dhaariyay.

 

Mudanahan ayaa bedelaya Mudane Maxamed Barkhad Miigane oo ka mid ahaa Golaha Wakiiladda Somaliland oo geeriyooday badhtamihii sannadkan, isla markaana Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa noqonaya Mudanaha bedelaya mudanaha geeriyooday oo ay ka wada tirsanayeen xisbigii UDUB.

Xildhibaan cusub oo ku soo biiray Golaha Wakiiladda Somaliland, kaas oo ah mudane Axmed Cabdi Kahin Wasiirkii hore ee wasaarada Ciyaaraha Somaliland, oo buuxiyay xubinimadii ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane Xamaal oo dhawaan geeriyooday.

Xildhibaan. Axmed Cabdi Kahin, oo xiligan ku jiray kaydka koowaad ee Murashaxiintii doorashadii Wakiiladda ee xisbigii UDUB gobolka Salal.

Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamada sare ka dalbaday dhaarinta xubinimada baarlamaanka ee uu buuxiyay sida sharciga xeerka doorashooyinku dhigayo.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office