Masuul Ka Tirsanaa Urrur Siyaasadeedkii XAQSOOR, Oo Daboolka Ka Qaaday In Uu Ku Biiray Xisbul Xaakimka KULMIYE.‏

London ( SLpost )Md Naasir Caaqil Ay-Jeex Caaqil Jaamac Cawad, oo ka mid ahaa xildhibaanaddii hore ee Gollaha Wakiiladda Somaliland, xilligii xukuumaddii Madaxweyne Cigaal, kana mid ahaa masuuliyiinta sar-sare ee Urrur Siyaasadeedkii XAQSOOR, xubinna ka ahaa Gollahii dhexe iyo Guddiggii Fullinta ee Urrur Siyaasadeeddkii hadhay ee XAQSOOR, ayaa daboolka ka qaaday in uu si rasmi ah ugu biiray Xisbul xaakimka Siyaasiga ah ee taladda dalka haya ee KULMIYE, sidaana waxa uu ku cadeeyay war-saxaafadeed qoraal ah oo Saxaafadda loogu tallo-galay oo uu maanta si rasmi ah uga soo saaray magaaladda London ee dalka Britain, War-saxaafadeed-kaas oo uu xog-waramay sababaha wakhti xaadirkan ku kalifay ee uu ku xushay ku biirista Xisbul xaakimka KULMIYE.
War-saxaafadeed-kan oo uu ku saxeexan yahay Md Naasir Caaqil Ay-Jeex Caaqil Jaamac Cawad, waxa uu u dhignaa isaga oo dhamaystiran sidatan.
ASC,  Anigga oo ah Mudane Naasir Caaqil Ay-

  Jeex Caaqil Jaamac Cawad, kanna mid ahaa Xildhibaanaddii hore ee Gollaha Wakiiladda Somaliland, xilligii xukuumaddii Madaxweyne Cigaal, Sidoo kale, waxa aan ka mid ahaa masuuliyiinta sar-sare ee Urrur Siyaasadeedkii XAQSOOR, waxaanan xubin ka ahaa Gollahii dhexe iyo Guddiggii Fullinta ee Urrur Siyaasadeeddkii hadhay ee XAQSOOR.

Ay-Jeex

Sidaa Awgeed, markii aan si buuxdda uga baaraan-degay una dhuuxay marxaladdaha Siyaasiga ah ee wakhti xaadirkan uu dalku marayo,
Markii aan si buuxda u falanqeeyay mustaqbalka mabaadiidda siyaasaddeed iyo waxqabadyadda Seddexdda xisbi Siyaasi ee dastuuriga ah ee dalka ka jira ee KULMIYE, WADANI iyo UCID, si taxadar lehna aan u qiimeeyay isuna bar-bar dhigay xisbiga ii cuntama unna qalma in aan ku biiro si aan u sii wato waxbadyadaydda iyo mustaqbalkayga siyaasadeed.
Markaan si dhab ah u garawsaday una gar-waaqsaday horumarka wax ku oolka ah ee uu ku talaabsatay muddadii ay hogaanka taladda Jamhuuriyadda Somaliland hayay Xisbul Xaakimka KULMIYE, marka laga eego siyaasaddaha arrimaha gudaha iyo dibadda iyo wax ka qabashadda adeegyadda aasaasiga u ah nolosha dadka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxa aan si buuxdda ugu qancay una go’aansaday laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 31/10/2013-ka, in aan si rasmi ah ugu ku biiro Xisbul xaakimka hogaanka taladda dalka haya ee KULMIYE.
Sidaa awgeed, maanta laga bilaabo waxa aan halkan ka cadaynayaa in aan si rasmi ugu biiray Xisbul xaakimka KULMIYE, si aan u sii anbo-qaado una sii wato gudashadda waxqabadyadaydii wadaninimadda iyo horumar jacaylka ahaa ee ku wajahnaa badhaadhaha dadka iyo dalka Somaliland dhinac walba, Sidaa daraadeed, sidii mar walbacaaddada ii ahaan jirtay waxa ii qorsaysan hadii Allaha awoodda sare lihi ogolaado in aan si deg-deg ah dhawaan ugu noqdo Somaliland, si aan uga qeyb qaato sii xoojinta Wadajirka. Midnimadda, Wax-wada-qabsiga iyo horumarka dadka iyo dalkaSomaliland.
Waxa aan hambalyo bogaadin u dirayaa Madaxwynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaano), Seddexdda Golle qaran, ee Xukuumadda, Baarlamaanka, Iyo Guurtidda, Iyo Dhamaan xisbiyadda siyaasiga ah ee dastuuriga ah ee qaranka, iyo guud ahaan Shacbi weynaha Somaliland gudde iyo dibad-ba, iyo dhamaan madaxdda iyo taageerayaasha Xisbul xaakimka KULMIYE meel kasta oo ay kala joogaan.
Ugu danbayn, Waxaan si wadaniyad leh ugu boorinayaa dhamaan shacbi-weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan, Seddexdda Xisbi qaran, iyo Seddexdda Golle Qaran-ba in ay meel uga soo wada jeestaan Illaalinta Amaanka, wadajirka, wax-wada qabsiga iyo horumarka dalka, Waxaanan Illaahay (SW), uga baryayaa dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland, in uu si dhakhso ah u gaadhsiiyo horumar iyo badhaadhe, iyo Ictiraaf buuxa oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka.
Mudane Naasir Caaqil Ay-Jeex Caaqil Jaamac Cawad
Somalilandpost.net
London