Masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland oo Suugaan miisaan culus ugu Jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya

Masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland oo Suugaan miisaan culus ugu Jawaabay Madaxweynaha SoomaaliyaHargeysa (SLpost)- Cabdirisaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi) oo ah Agaasime waaxeed ka tirsan Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Somaliland, ayaa gabay uu ugu magac-daray DIGNIIN ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo khudbad uu 1-dii bishan oo ku beegnayd maalintii xornimada Soomaaliya ka jeediyey munaasibad lagu qabtay Muqdisho ku sheegay inaanay Somaliland go’i karin isla markaana ay midnimada Soomaaliya muqaddas tahay.

Haddaba, Gabaygan uu tiriyey Abwaan/Agaasime Cabdirisaaq Kildhi, waxa uu xambaarsan yahay farrin, digniin iyo hoga-tusaaleyn uu dhinacyo badan ka tusiyey heerarkii ay Somaliland u soo martay gobanimadeeda, halgankii dib-ula-soo noqoshada madax-bannaanideeda, dhismaheedii dawladnimo, geeddi-socodkii horumarka dawladnimada iyo Dhaqan-dhaqaale.

HADDABA, HOOS KA DAAWO MUUQAALKA ABWAANKA IYO GABAYGIISA DIGNIIN oo ku socda Farmaajo