Masuul ka tirsan Dawladda oo Buurmadow ku tilmaamay inuu Maskaxda ka xanuusanayo

Agaasimaha Guud ee Dib-u-dejinta
Agaasimaha Guud ee Dib-u-dejinta

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre , ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, waxaanu ku tilmaamay nin maskaxda ka xanuunsanaya.

Agaasimaha oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in dhaqanka Cismaan Buurmadow uu ka baxsan yahay anshaxii madax-dhaqameedyada waxaanu yidhi. “Buurmadaw isku Deegaanbaanu nahay weliba aad baanu iskugu dhow nahay , waxaanad moodaa waxan uu ku hadlayo inay ka baxsan tahay dhaqankii Madaxdhaqameednimada, waxyaabihii uu ku hadaaqayeyna ma jirto cid ku raacsan.”

Axmed Cilmi Barre waxa uu sheegay in beeshiisu ay kalsoonidii kala noqotay Cismaan Buurmadow sanadkii 2009-kii. “Sidaad ogtihiin Buurmadaw waxa xilka laga qaaday 2009-kii, waxaana xilka ka qaaday reerka aanu ka soo wada jeedno ee uu Boqornimada u sheeganayo ayaa xilka ka qaaday, Shir balaadhan baana lagaga qaaday oo ay wax garadkii iyo waayeelkii joogaan, waxaana la sameeyey bedelkiisii oo ah Boqor Maxamed Jaamac oo ay Beeshu isku raacday, waa nasiib-darro in laba iyo wax ka badan aanu kala hadlo, ninkan waxaan ogahay inaanu caadi ahayn intii xilka laga qaadayba maskaxdiisu, Buurmadaw waxaa uu ku hadlayo cidi lama qabto, waana ninkaa aanu caafimaadkiisa ka warwarsanahay reer ahaan.”

“Dawladda dambi Qaran ayuu ka galay Madaxweynahana gaar uma uu caayin, laakiin waxa uu caayayaa waa xilka iyo Qaranimada, Buurmadaw waa laga dambeeyaa waana laga dhex hadlayaa Dawladduna talaabo adag bay ka qaadi doontaa,” ayuu yidhi Agaasimaha guud ee dibu-dejintu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dibu-dejinta Axmed Cilmi Barre waxa kale oo uu shirkiisan jaraa’id kaga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradiisa, waxaanu sheegay wasaarada Dibu-dejintu inay hiigsanayso qorshayaal door ah oo horumarineed.