Masuul Cusub oo loo magacaabay Isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Maroodijeex oo xilka la wareegay

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Cabdi Axmed Nuur ayaa maanta xilkii isu duwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Maroodi jeex ku wareejiyay isu duwaha cusub ee loo magacaabay Cabdiraxmaan Caalim Qaalib.

Xil wareejintan oo ka dhacday xarunta caafimaadka ee gobolka Maroodi jeex waxaa ka qayb galay Sarkaal ka socday Hay’ada Maamul Wanaaga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Cabdi Axmed Nuur ayaa hadal uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ku sheegay in xilku uu meerto yahay isla markaana maalinba qof loo dhiibo,isagoo u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay xafladan ay xilka ugu wareejinayaan isu duwaha cusub kadib markii mas’uulka uu bedelay Axmed Xasan Goole lagu eedeeyay wax is daba marin iyo inuu sifo khaldan u adeegsaday gaadhi ay wasaarada caafimaadku leedahay.

Dhinaca kale waxaa xilkii Madaxa faya dhawrka ee  Wasaarada Caafimaadka u qaabilsan Gobolka Maroodi jeex lagu wareejiyay Maxamed Faarax ,jagadaas oo uu hore u hayay C.wahaab Nakruuma, Markaas kadib waxay madaxda caafimaadku kormeer ku soo mareen xarumaha hooyada iyo dhalaanka ee caasimada hargaysa.

Sarkaalkii hore ee Gobolka Maroodijeex u xilsaarnaa wasaaradda Caafimaadka ayaa xilka laga qaaday ka dib markii lagu eedeeyey inuu isku dayey lunsi hanti-qaran ka dib markii warbaahinta qaarkeed soo bandhigtay inuu taariikada Dawladda ka furay isla markaana ku xidhay taariko Shacab baabuur ay wasaaradda Caafimaadku leedahay si uu u xaraasho.

SLpost News/Hargeysa