Maskax-Guurka Dhaqaalaha Somaliland – By Maxamed Cabdi Daa’uud

Maxamed Cabdi Daa'uud
Maxamed Cabdi Daa'uud

Tacrifaddu waa cashuur lagu waajibiyay shay kasta oo dibadda laga keeno, kaas oo qiimihihiisa boqolkiiba in goán ay qaadato xukuumaddu inta aanu soo caga dhigan dalka. Matalnba Qiimaha boqolayda ee ugu badan ee la qaado dalkeenu waa ka sigaarka oo dhan 75%. Qaadka ayaa ku xiga oo laga qaado 60%. Waxaa ugu yar cuntooyinka qaarkood sida bariiska iyo sonkorta oo laga qaado 7%. Dakhliga lagu waday in uu u  soo xerooda Somaliland sanadkii 2011 waxa uu dhan yahay 92 milyan oo Doolar (marka halkii Doolar u dhigmo 5700 Sh) Lacagta intaas leég badankeedu oo dhan, boqolkiiba afar iyo lixdan 64% , waxa ay ka imanaysaa tacrifadda lagu qaado Kastamada. Taas oo dhinaca kale seddex jibaar ka badan dakhilga cashuuraha barriga dhammaantood.

Dad badan ayaan la socon cashuuraha dheeriga ah ee lagu qaado kastamadeena. Waxaa ka mida cashuurta dekadda (harbor tax), ta iibka (sales tax), ta dawladaha hoose (general municipality tax), ta Dawladda Hoose ee Berbera (municipalityofBerberatax), cashuurta Aafada Burco, iyo ta aafada bariga. Canshuurahaas oo dhan waxa lagu qaadaa kastamka inta ayna bucshirad kastaa soo degin. Cashuurahan dambe, Tacrifaddooduna waxa ay u dhaxaysaa 2% ilaa 12%. Qaarkoodna musuq baa dul-hoganaya.

Dalka Maraykanka oo leh taariikh dheer iyo halgan adag oo ku saabsanaa  dhimidda ama kordhinta tacrifadda ayaa immika u soo noqday in aad iyo aad loo dhimo ama meeshaba laga saaro tacrifadda. Sanadkii 2010 Tacrifadda laga qaadayay alaabta soo degta waxa  celcelis ahaan ay dhammayd wax ka yar  boqokiiba laba oo dhan 1.3%. Dakhliga guud ee Maraykankana ee sanadkii hore oo dhammaa laba Tirilyan iyo badh (2.5 Trillion US $) waxa ay Tacrifaddiisu kaga dhacaysay ama ay  daboolaysay wax ka yar boqolkiiba laba oo dhan 1.2%.

Dalkeena, lixdii degmo ee uu ka koobnaa, ee uu ka tagay Ingiriisku oo kala ahaa Berbera, Ceerigaabo, L Caanood, Burco, Hargeysa iyo Boorame mid waliba waxa ay leedahay xad caalami ah oo noqon kara badda cadmeed, ama xadka Somalia, ka Itoobiya ama ka Jabuuti. Sanadkii 2011 saamiga miisaaniyadda guud ee ay soo kala xereeyeen waxa ay dhammayd sidan; Berbera 50%, iyo Hargeisa 45%.  Inta kale ma buuxin karto boqolayda dahkliga soo xerooda. Burco iyo Boorame middiiba hal miyan oo Doolar oo keliya bay soo xaraysaa sanadkii, L Caanood laba boqol oo kun oo Doolar iyo Ceerigaabo oo soo xaraysa boqol iyo soddon kun oo Doolar sanadkii.

Sidaas oo ay tahay maciishada ugu qaalisani waxa ay taalaa Hargeysa iyo Berbera, halka ta ugu jabani ay taalo gobalada Bariga. Gobaladaasi waxa ay kulaalayaan Majeerteeniya oo Tacrifaddeedu ay toban jeer ka jaban tahay taSomaliland. Gobolada Bari waxa ay isticmaalaan wali lacagtiiSomaliaoo tilmaamaysa inay wali xagga dhaqaalaha wax la wadaagaanSomalia. Dambiga iyagu ma wada laha ee waxaa ka masuula xukuumadihii kala dambeeyay ee soo maraySomaliland. Kuwaas oo hadiyad u bixiyay goboladaas markii ay cirka ku shareereen tacrifadda Berbera iyada oo ay la tartamayso ta agteeda ah ee Boosaaso oo tacrifaddeedu aad uga jaban tahay. Waxaabad ku cibro qaadanaysaa Magaalada yar ee wajaale oo ah xuddun ganacsi oo weyn, kuna dhacda galbeedkaSomaliland, ayaa bucshiradda taalaa badankeedu ka yimaaddaa dekadda Boosaaso.

Arrimaha tacrifaddu ma aha kuwo sahlan oo indhaha laga lalin karo. Waayo Waxa ay sabab u yihiin

  1. in dhaqaalahaSomalilandkala dhantaalmo.
  2. In labaatan sano oo ay jirtaySomaliland, Burco oo xaruntii labaad ahi soo gaadhi weydo Hargeysa. Oo shalayna lagu taakuleeyo lacagtaSomaliland, si looga badalo Giinbaartidii ku bakhtiday.
  3. In seddexda gobol ee ugu weyn dalkeenu ay dulsaar ku nodaan ummaddeena oo ay awooddoodu dhaafi weydo 5% dakhliga dalka.
  4. In nabad-galyada gobaladabaricakiranto oo ay dhexdooda ka kaluumaysato qawlaysatadaSomaliaee xinka iyo xag-jirnimada ku dhisani.
  5. In Majeerteeniya ay sheegato gobol ay ula baxday Cayn oo ka kooban 3 degmo oo ay Buuhoodle ku jirto.
  6. In Majeerteeniya ay sheegato gobol la yidhaah Sanaag oo ka kooban afar degmo oo Ceerigaabo ku jirto.
  7. In Majeerteeniya ay sheegato gobol la yidhaah Sool oo ka kooban shan degmo oo L-Caanood ku jirto.
  8. In Maantana Taleex ku dayato Majeerteeniya, oo ay tidhaa anaa ku xaq leh! Oo ay la soo baxdo damac kursi doona (maamul doona) oo ku wajahan Majeerteeniya iyo Imbageeti. Damacaas oo Somalilandna arbush badawga ku soo kordhin kara.

Tacrifadda Berberi waa toban jibaarka ta Boosaaso. Miisaaniyadda Majeerteeniyana ee sanadka 2012na  waxa ay dhan-tahay 38 milyan oo Doolar. Kaba dhig in bucshiradaha ka soo dega labada dekadood ay siman yihiinan. Afeeftaas Xukuumadda Somaliland wey diidi oo waxa ay ku doodi doontaa Bucshiradda Berbera ayaa ka badan ta Boosaaso. Taasina waa is-tus-nimo, is-hafar iyo Doqoni Xadhkaha Lagu Xidh-xidhi Bay Xusulada Ku Sidataa. Haddiise aan ku soo noqono in labada bucshiradood is le’eg yihiin, labada tacrifadoodna toban jibaar isku yihiin; markaas labada miisaniyadoodna waxa ay isku noqonayaan toban jibaar. Madaxweyne Siilaanyo waxaa laga filayey in uu ku dhawaaqo miisaaniyada sanadka 2012 in ay noqoto 380 Milyan oo Doolar. Taasina may dhicin oo odaygu waxa uu ku dhawaaqay shalay, miisaaniyad dhan 540 Bilyan oo Shilin oo u dhiganta  laba iyo sagaashan (92) milyan oo Doolar (waana sicirkii shalay,  ee halkii doolar oo dhanaa 5900 shilin). Marka ay taasi dhacdayna xisaabta xukuumaddeena waxbaa ka qaldan!

Inta xukuumaddeenu miciinsatay tacrifad la kordhiyo oo dadku inagaga yaaco, waxa Maamul Goboleedka yare ee Majeerteeniya inala dhigtay maxjarkii Berbera ee xoolaha, dekada cusub oo ay dhisayso,  iyo Soone  cusub oo ka caaggan Cashuurta oo ay ku caawinayso Dawladda imaaraadku,  gaar ahaan shirkadda Dubai’s Lootah Group. Himiladeedu waa inay canjishoSomalilandoo noqoto wax kasta ooy tahay Berberi. Haddana ay dadka ku soo jiidato tacrifad jaban.

Ujeedadaydu ma aha xukuumaddu yaanay cashuur qaadin. Laakiin halka ay ka qabasho baratay baa badawtinimo ah. Mudnaanta iyo ammaanka Berbera iyo goobaheena kaleba waa in aan lagu curyaamin tacrifat laga tagay. Waa in ay noqotaa dekad xor ah oo caalamka iyo ganacsigaba soo jiidata. Waa in ay yeelataa adeeg hufan oo habeen iyo maalinba socda oo ku tartama qiime macquul ah. Faro-badnaanta ganacsi ee soo kordhi lahaa, ayaa dabooli lahaa kharashka loo baahan yahay. Waxaa degi lahaa sicir bararka. Waxaa yaraan lahaa shaqo-laáanta. Waxaa soo xero-gali lahaa gobaladabariee fogaaday.

Xukuumaddu hadday ka baqato in uu dakhligu is-dhimo waxa ay ku kordhin kartaa cashuuraha kale ee aanay cidina inagula tartami Karin, ee aan lagaala baxsan Karin, ee ay ka midka yihiin macaashal macaashku (income Tax), cashuurta mushahaarooyinka (payroll tax), cashuurta qiimaha dul-saarka (VAT), cashuurta iibka (sales Tax), cashuurta adeegyada ay Dawladdu bixiso (excise tax) iyo ururinta sakada iwlm.

Xukuumadda Somaliland waxa ay ku dhaqantaa Miskiin Baa Leh  Misko La Fuullo. Waa marka ay wax canshuurayso. Waxa ay naqaska ku dhajisaa meheradaha yaryar ee masaariifta uun laga soo saarayo. Kuwaas oo maalinba midi kacayso culayska cashuureed ee saaran tacrifadda dartii. Xukuumadihii kala dambeeyay waxa ay dan-wadaag la yihiin sharkadaha waaweyn ee xawaaladaha iyo is-gaadhsiinta. Cashuurta laga qaado dakhligoodu waa fara-guudkood. Dhaqanka xukuumaddeena bal aan barbar dhigno Caalamka. Aan milicsano cashuuraha dakhliga (Income Tax) ee laga qaado sharkadaha waaweyn ee Maraykanka sanadkii. Matalamba shikadda Exxon ee ka ganacsata shidaalka waxa sanadkii tagay ay macaashtay 52 Bilyan oo Doolar, waxaana laga qaaday macaashal macaash dhan 21.6 bilyan oo ku dha-dhow 45%. Shikadda Chevron oo iyana ka ganacsata shidaalka waxa sanadkii tagay ay macaashtay 32 Bilyan oo Doolar, waxaana laga qaaday macaashal macaash dhan 12.9 bilyan oo u dhiganta 40%. Bangiga Chase waxa sanadkii tagay uu macaashtay 24.9 Bilyan oo Doolar, waxaana laga qaaday macaashal macaash dhan 7.5 bilyan oo u dhiganta 30.1%. Shirkadda Microsoft oo ka ganacsata adeegga Computereda waxa sanadkii tagay ay macaashtay 25 Bilyan oo Doolar, waxaana laga qaaday macaashal macaash dhan 6.25 bilyan oo u dhiganta 25%. (Warkan waxa aan ka soo xigtay Mint Life)

Halkaas waxa aynu ka aragnaa boqollayda macaashal macaashku in ay la kordhayso hodantinimada sharkadaha ganacsi. Haddaba suáashu waxa ay tahay sharkadaheena waaweyn yaa qiimeeya macaashkooda? Yaa u xadeeya saamiga laga qaadayo? Yaase ka qaada cashuurta ku baaqatay?

Sidoo kale ma la’aSomalilandkaalmada caalamiga ah. Ka dib doorashadii sida xaragada leh ay u qabatay xukuumaddii hore, waxaSomalilandku soo qulqulayay wofood ka tirsan beesha callamka. Iyaga oo dhammaantood ballan qaadaya in ay caawinayaanSomalilandhaddii dhinaceeda laga helo maamul wanaag iyo daah-furnaan. Waxaa ka mid ahaa weftigii uu hogaaminayay Mahbub Malin, xoghayaha guud ee IGAD iyo 15 kii masuul iyo safiir ee reer Yurub, MaraykanJapaniyo AU. Ingiriisku waxa uu keligii balan qaaday inuu ugu deeqayo Somaliland171 milyan oo Doolar afarta sano ee soo socda oo ayna ku jirin gargaarka degdegga ah, taas oo ka bilaabmaysay kal hore. Dalal badan oo ay ku jiraan Maraykanka, Norway, Denmark,  Italy, iyo Finland ayaa dhammaantood balan qaaday in ay laba jibaarayaan deeqdoodii ay siin jireen Somaliland.

Calaa kulli xaal, maamulka Siilaanyo halkaas ha ka garaaco oo ha iska daayo dekaddan Berbera ee uu tacrifadda ku waalayo, iyo guryahan Dawladda ee uu is-leeyahay xaraash.

Wa Billahit Tawfiiq.

Maxamad Cabdi Daauud

madaud@gmail.com