Masiibadii Bandooga – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 12aad

 

Dadka waxa loo sheegay in bandoogu bilaabmayo 8:00 habeennimo, waxa se la xidhxidhi jiray wixii ka dambeeya 5:00 galabnimo, si ay ciidanku u helaan lacago badan oo madax-furasho ah maadaama oo dadku ay ku xisaabtamayaan inay hoydaan 8:00 habeennimo (HRW, a government at war with its own people, bogga 76aad)

Haddiiba ay 5:00 galabnimo gaadho, baahida qofku si kasta oo ay muhiim u tahay marnaba dibadda uma bixi karayn – xiitaa haddii ay xalaad caafimaad oo degdeg ahi ku timaaddo sida dhiig-bax oo kale, kolnaba suuragal ma ay ahayn in dibadda loo saaraa ama dhakhtar loola cararaa.

Qofku haddii uu bandoogaas jabiyo, digniinta koowaad waxa laga qaadi jiray ugu yaraan lacag 1,000 shilling ah oo u dhigmaysay $167, mararka qaarna waxa u raaci jirtay inay ciidanku ku tuntaan qofka.

Siciid Ismaaciil Qabbaas ayay ciidanku qabteen iyada oo aan gaadhin wakhtigii bandoogu uu bilaabmayay, waxay ku amreen inuu bixiyo saacad uu xidhnaa (oo qiyaastii qurux badnayd), kolkii uu diidayna qaar askartii ka mid ah ayaa ku soo yaacay oo ku tuntay, illaa iyo ay dhaawacyo waaweyni soo gaadheen.

Siciid wuxuu dhintay toban maalmood ka dib. Ciidanku waxay sheegeen inuu u dhintay xanuun beerka ah, bal se dhakhaatiirtu waxay xaqiijiyeen inuu u dhintay dhaawicii ay soo gaadhsiiyeen ciidankaasi. (Bogga, 74aad)

Digniinta labaad, qofka waxay xidhi jireen lix bilood illaa laba sannadood. Xukunnadaas ma ay ridi jirin maxkamad – waxa qaadi jiray saldhig ciidan.

Dadka jabiya amarrada bandooga ee aan Isaaq ahayn, isla kolka la ogaado in aanay ahayn ciddii bandooga loola dan lahaa ayaa la soo dayn jiray iyada oo aan wax ganaax ah la weydiin ama aanay wax xadhig ah la kulmin. Waxay odhan jireen, qofkani waa innaga e, sidee ayaad u soo xidheen? (Bogga, 74aad).

Qof wal oo doonaya inuu gobol kale u baxo, waxa loo sameeyay kaadh uu ugu baxo gobolladaas. Haddii qof gobol kale u baxay lagu qabto kaadh la’aan, dabcan ciqaabtiisu waxay ahayd wixii hadba maskaxdooda ku soo dhaca (Bogga 71aad).

Baabuurta waxa loo sameeyay laba kaadh. Mid ay magaalada ku dhex joogaan iyo mid ay tuulooyinka ama gobollada ugu baxaan.

Qofka baabuurka wataa si kasta oo uu liisanka baabuurkiisa u sito uma uu bixi karayn gobol kale, haddii aanu soo qaadan kaadhka oggolaanshaha inuu gobol kale u baxo, kaadhkaas oo aan lahayn sharci loo raaco, dabcanna cidda la doono la iska siin jiray, cidda la doonana loo diidi jiray.

Waxa dheerayd in gobolka uu gaadhigu tago uu ka soo qaadanayay shaambad kale oo sheegaysa inuu ka soo noqday safarkiisii. Intaas oo dhan waxa ka sii darnayd in bar-kaantarool walba dadka lagu baadhan jiray, sida aynu ku soo sheegnay qaybtii 14aad ee taxanaha.

Magac walba ha loo bixiyo kaadhadhkaas socdaalka e, wuxuu ahaa fiise loogu kala baxayo gobollada dal isku mid ah!

Natiijada ka dhalatay culaysayadaas la saaray isu socodka gobolladu waxay noqotay in mararka qaar ay toddobaadyo qofka ku qaadanaysay inuu Burco ka baxo oo uu Berbera yimaaddo, ama Berbera ka soo baxo oo uu Hargeysa soo gaadho. Qofka xiitaa haddii loo soo sheego geerida qof ehelkiisa ah, marnaba kama uu soo gaadhi karayn aaska.

Sida caadiga ah socdaalladaasi, ugu badnaan waxay qofka ku qaadan lahaayeen 3 saacadood oo qudha, waa marka uu xawaaraha gaadhigu yahay 60km/h.

Warbixintu waxay werisay bishii Abril gu’gii 1987-kii in ciidankii Afweyne ay qabteen gaadhi bas ah oo magaalada Hargeysa dhex marayay oo uu rakaab saarnaa, ka hor intii aanay gaadhin wakhtigii bandooga. Waxay weydiiyeen inuu bixiyo laaluush, kolkii uu ka diidayna waxa ay ku fureen rasaas – baskii iyo rakaabkiiba.

Waxa ku dhawaacmay dirawalkii iyo rakaabkiiba, halka dadka qaarkood uu dhaawacoodu halis ahaa. Dadkii dhaawaca ahaa idil ahaan waxa loo qaaday saldhig ciidan, waxaana lagu eedeeyay inay jabiyeen bandoogii! (Bogga, 75aad).

Macne ma ay lahayn inaad u hoggaansanto amarrada bandooga iyo in aanad u hoggaansamin, waxa suuragal ahayd inay ciidanku iska kaa qabsadaan 9:00 subaxnimo, ka dibna ay ku eedeeyaan inaad jabisay bandooga bilaabmi doona 5:00 galabnimo.

Kolka uu bandoogu bilaabmo, waxa qudha ee aad maqlaysaa waxay ahayd guuxa baabuurta ciidanka, iyo jugta lugahooda. Mararka qaar, ciidanku waxay soo hoos istaagi jireen daaqadaha hoostooda, si ay u dhegaystaan sheekooyinka caadiga ah ee qoysaska dhex maraya. Si aad isaga dhigto inaad seexatay, waxaad daminaysaa laydhka adiga oo soo jeeda!

Muuse Saalax Cali Geeldoon oo Burco lagu xidhay iyada oo lagu eedeeyay inuu jabiyay bandoogii, wuxuu sheegay in xabsiyadii ay isu beddaleen suuqii xoolaha. Dadka waxa loo kala iibsanayay sida xoolaha.

Muuse wuxuu yidhi: ma uu jirin sharci idiin dhexeeya ama rejo ah in sharcigu ku sii dayn doono, sida qudha ee aad ku bedbaadaysaana waxay ahayd inaad siiso waxa ay kaa rabaan. Wuxuu sheegay inay isaga ka qaadeen 7,000 shilling oo madax-furasho ah (wakhtigaas waxay u dhigmaysay $1,166).

Dadka reer miyiga ahi kolka ay soo socdaan masaafo aad u badan ee ay magaalooyinka yimaaddaan si ay uga iibsadaan cunto, haddiiba ay la kulmaan wakhtigii bandooga, inta badan waxa ay la noqon jireen faro madhan, haddiiba aanay ciidnaku ka qaadin waxa ay sitaan (Page, 77).

Dhanka woqooyiga, idil ahaan waraaqaha iyo cajaladaha boosaha la isugu dirayo waxay sii mari jireen kooxdii sirdoonka Afweyne ee NSS. Waraaqo iska caadi ahaa iyo erayo aan wax mushkilad ahi ku jirin ayaa indha kale lagu akhriyi jiray ama dhego kale lagu dhegaysan jiray, ujeeddooyin leexsanna loo samayn jiray.

Waxa ay gaadhsiiyeen heer ay dadku aamini waayaan inay waraaqo isu diraan ama cajalado is weydaarsadaan, taas oo la macne ahayd inay gooyeen nooc kasta oo xidhiidh ahaa oo laba dhinac dhex mari lahaa, si kasta oo uu muhiim u yahay xidhiidhkaaasi – mid waalidnimo, mid walaalnimo, mid ehelnimo, mid qoysnimaba iwm.

Xigasho:

Human Rights Watch, A government at war with its own people, bogga 69aad – 81aad.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com