Mashruuc Xirfado loogu samaynayo Maxaabiista oo markii ugu horeysay laga hirgelinayo Xabsiyada waaweyn ee dalka

Hargeysa (SLpost)- Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray warshadda tababarka xabsiga Mandheera taas oo loogu talo-galay in xirfadaha kala duwan lagu baro maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo hadal ka jeediyay furitaankii Warshaddaas ayaa tilmaamay inay qayb ka qaadanayso dhaqan celinta maxaabiista ku xidhan xabsigan.

Waxa uu taliyuhu xusay in guud ahaan xabsiyada dalka ay ka hirgelin doonaan wershada tababarka maxaabiista si loo ilaaliyo loogana faa’iideeyo muruqa maxaabiista isagoo intaas ku daray inay hawshani ka qayb qaadanayso sidii ay u soo bixi lahaayeen maxaabiis jidh ahaan iyo caafimaad ahaan caafimaad qaba kana taxadirsan denbiyada ay galayaan.

Maxamed Xuseen Faarax Xiirane waxaa kale oo uu sheegay inay xabsiyada Hargaysa iyo Mandheera-ba  ka hirgashay joojinta nooc kasta oo ka mid ah balwadaha taasina ay qayb ka qaadanayso, sida uu xusay, dejinta xaaladda caafimaad ee Maxbuuska.

Taliyuhu wuxuu ugu baaqay maayarada Magaalooyinka waaweyn ee dalka ee xabsiyadu ka furan yihiin inay ka qayb qaataan hawlaha dib-u-dhiska ee laga wado isla markaana uu maayar waliba u iibiyo hal Baabuur oo nooca iska rogada loo yaqaano ah.

Taliyaha waxaa socdaalkan ku wehelinayay Hogaanka hawlaha xabsiyada, hogaanka tababarka iyo qorshaynta, waxaana mashruucan maalgalisay hay’ada UREEDO.

 

Maxamed Cabdi Aadan (Indho)

Indho145@hotmail.com

SLpost News Desk/Hargeysa