Mashaariicda lagu fulinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo si Rasmi ah loo Daah-furay iyo Meelaha Ugu badan ee Xoogga lagu Saarayo

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ku qabsoontay munaasibad lagu daah-furay mashaariic loo qoondeeyey in lagu fuliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo dhaqaalihiisa ay bixiyaan waddamo ka tirsan Midowga Yurub, kaas oo maamulkiisa ay gacanta ku hayso Xukuumadda Somaliland.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) oo la aasaasay sannadkii 2013-dii, waxa maamulkiisa gacanta ku haya Xukuumadda Somaliland, waxaana loogu talo-galay in lagu dhaqaalihiisa inta ugu badan lagu kobciyo ilaha wax-soo-saarka dalka, iyada oo hay’adaha dawladda ee xaddiga ugu badan mashaariicda lagu bixin doono ay ka mid yihiin kuwooda wax-soo-saarka qaabilsan ee Wasaaradaha Beeraha, Xannaannada Xoolaha, Horumarinta reer Miyiga & Deegaanka iyo dhinaca maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka.

Kulan lagu daah-furay mashaariicda lagu fulin doonoa dhaqaalaha sanduuqa ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo maanta ku qabsoomay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, , ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Badhasaabbada Gobollada Dalka, Deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah iyo Ururrada Waddaniga ah ee ka dhaqeeya dhinaca Horumarinta.

HALKAN KA DAAWO