Mashaariicda Ganacsadaha reer Kuwait ka hir-geliyey Degmada Sheikh uma baahna Carqaladdeyn Siyaasaddeed!!

Anigoo ku hadlaya afka Aqoonyahanka Gobolka Saaxil, gaar ahaan degmada Sheikh, waxaan halkan ka beyaaminayaa in horumarka ka socda degmada sheikh uu kow ka yahay Ganacsade Sh. Xamad Binu Sabaax Al-axmed oo ahGanacsade uu dhalay Boqorka dalka Kuwait, kaasoo maal-gashiga balaadhan ku sameeyey degmada, tobankii sannadood ee u dambeeyey, walina ku howlan sidii uu u sii balaadhin lahaa Maal-gashigaas.

Geesta kalena, mashaaruuc wax ku ool ah oo ay dadka deegaanku u aayeen, una aayi doonaan ka fuliyey degmada sheikh, oo aynu odhan karno waxa ka jiray dib u dhac baaxadleh. Haddii aynu tusaale kooban ka soo qaadno Mashaariicda uu Ganacsadahan u dhashay dalka Kuwait ka fuliyey degmada waxa kamida:- Cisbitaalka Guud ee degmada oo uu ku caawiyey dib-u-dhis ku kacay $2.5 milyan, Dhismeyaal uu u dhisay Dawladda ee Degmada.

Waddooyinka Magaalada oo u sameeyey (Security light) Laydh laga dhaliyey Sollar-ka oo nabad-gelyada magaalada qayb weyn ka qaatay. Guddida horumarinta Gobolka Saaxil ee Dan iyo Ducp, wuxuu ku caawiyey lacag dhan $500,000 oo uu kaga qayb-qaatay Dugsiyo laga dhisay Degmooyinka Sheikh iyo Dacar Budhuq, kuwaasoo ah Dugsiyo Boodhin ah.

Waxa kale oo uu sameeyey shaqo-abuuris uu uga faa’ideeyey Bulshada degmada ku dhaqan, isagoo shaqaaleysiiyey labaatan qof oo uu shaqooyin ka siiyey Beerta Xayawaanka lagu xanaanneeyo ee Degmada Sheikh ku taalla. Waxa kale oo uu mushaharkooda bixiyaan dhakhaatiir ajaanib ah oo ka howl-gala Cisbitaalka Degmada. 

Ganacsade Xamad Binu-sabaax, waxa kale oo Magaalada ka hir-geliyey dib habeyn lagu sameeyey adeegyada biyo-gelinta Magaalada, isagoo maal-geliyey Mashruuc lagu bedelay Beebka Biyaha Magaalada u qaybiya. Wax-qabadka Gobolka Saaxil iyo guud ahaan Somaliland-na mashaariicda horumarineed ee uu ka sameeyey Ganacsadani, waxa kamida dib-u-dhiska Madaarada dalka oo uu ku maal-geliyey Lacag dhan $20 oo dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyey Terminaalada iyo Run-way-da Madaarada. Tasoo sababtay inay Madaaraddeenu la tartamaan Garoomada Geeska Afrika.

Dhamaan mashaariicdaas horumarkah isagoo qabtay, wali waxa uu fulintooda gacanta ku hayaa Mashaariic kale oo aynu ka xusi karno, tan iminka buuqu ka taaganyahay ee ah korantada laga dhalinayo Tamarta Cad-ceeda iyo Dabeysha oo sida qorshuhu yahay uu ka hir-gelinayo Buurta Qaras-goo uu ku rakibayo qalabka laga dhalinayo Dabkaas, balse ay caqabad ku noqotay hindise sida muuqata daba ka riixayaan dad iyagu dano khaas ah iyo kuwo siyaasaddeysan ka leh horumarka socda, kuwaasoo qayb kamid ah bulshada deegaanka ka dhaadhiciyey in Macdan laga qodayo Buurtaas.

Haddaba, isagoo waxaasoo horumar ah ka fuliyey dalka, walina u heelan inuu sii wado dhismaha iyo horumarinta dalka, gaar ahaan Gobolka Saaxil, loomana baahna inay ashkhaas kooban oo aaminsan ama xambaarsan

fikrado Xisbiyo Siyaasaddeed inay hor-istaagaan horumarka socda. Sidaas darteed, Waxaan ugu baaqayaa Waxgaradka, Culimo-awdiinka, Madaxdhaqameedka, Maamulka Saaxil, ka degmada sheikh iyo guud ahaan

Dawladda in wax laga dadka aan ogolayn horumarka ay cagta saartay degmadu ee sida khaldan bulshada qaybaheeda wax ugu sheegaya, isla markaana kicinta iyo war-xumo tashiilka ka abuuray, iyadoo aynu ka war qabno inay Maal-gashadeyaal kale oo Carbeed ku soo hirteen gobolka, tan iyo markii uu Sh. Xamad binu sabaax maal-gashiga ka sameeyey Degmada Sheikh.

Maal-gashadeyaashaasoo aynu ka xusi karno, Ganacsadaha u dhashay Dalka Imaraadka ee Maal-gashiga ka sameynaya Buurta Gacan-libaax. 

Allaa mahad leh

Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud (Xandule)

Email: xandule01@gmail.com

Tel: 0634133314 Telesom