Masar: Wasiir lagu xukumay 10 sano

Maxkamad dalka Masar ayaa ku xukuntay wasiirkii hore ee beeraha ee Masar Salah Helal iyo kalkaaliyihiisa toban sano oo xadhig ah, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq. Waxaa sidoo kale lagu xukumay ganaax.

wasiir masar ah

Labada masuul ee hore ayaa lagu eedeyay inay qaateen lacag si ay dhul si raqiis ah uga iibiyaan ganacsato.

Wasiirkii hore ee beeraha ayaa la xidhay markuu is caslay bishii September ee sanadkii hore. Fadeexada musuqmaasuqa ayaa keentay inay dhacdo dowladii ra’iisalwasaare Ibrahim Mahlf.