Masar oo Soomaali masaafurisey qaar kalena xidhey

Masar(SLpost)-Dowlada Masar ayaa dalkeeda ka masaafurisey in ka badan 60 qof oo Soomaali ah, sidoo kalena waxa ay xabsiga dhigeen sedex qof oo kale.

Dadkan la masaafuriyey ayey dowlada Masar sheegtey in ay ahaayeen dad si sharci daro ah dalkeeda ku soo galey isla markaana doonaayey in ay u tahriibaan dalalka Yurub.

Sedexda qof ee la xirey ayaa iyagana la sheegey in aysan heysan sharci ay dalkaas ku degenaadaan ama ku joogaan.