Marxuum Xaaji Doo loo maanta Hargeysa lagu aasay iyo weedhaha Masuuliyiin ka hadlay Doorkii uu Bulshada ugu jiray

Hargeysa, 19 January, 2012 (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Qaranka, Xisbiyada Siyaasadda, culimada waaweyn ee dalka iyo dadweyne aad u faro badan ayaa ka qayb-galay aaska Guddoomiyihii hore ee Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista Marxuum Xaaji Ibraahim Cabdilaahi (Xaaji Dool) oo maanta lagu aasay xabaalaha Xeedho ee duleedka caasimadda Hargeysa.

Waxaa halkaasi hadallo ka soo jeediyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” oo Sheegay in Marxuunku ahaa Shakhsi isku xidha bulshadiisa, isla markaana wakhtigiisa u hibeeyay kor u qaadka diinta islaamka waxaanu eebe uga baryay inuu naxariistiisa jano ugu deeqo qoyskii,eheladii iyo ummada Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wax ka tilmaamay aqoontii uu u lahaa marxuunka waxaanu xusay inuu ahaa qof u go’ay cibaadada eebe iyo sidii uu bulshadiisa u tusi lahaa wanaaga diinta.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh.Khaliil C.laahi Axmed ayaa sheegay in alle ha u naxariistee Marxuun Xaaji Ibraahin C.laahi “Xaaji Dool” uu ahaa aasaasihii Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista oo ay ka dhaxaysay wada shaqayn fiican waxaanu intaas ku daray in marxuunku hawsha uu hayay uu ilaahay ka baryayo in bedel khayr qaba uu halkiisii inoo galo isagana naxariistiisa jano ugu deeqo .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Sh.Aadan Xaaji Maxamud “Aadan Siiro” oo ka waramay inay geeridu tahay xaq hasa yeeshee la inooga baahan yahay inaynu ku cibro qaadano .

Somalilandpost News

webmaster@somalilandpost.net