Marxuum Cabdilaahi Yuusuf oo lagu Aasay magaaladii uu ku dhashay ee Galkacayo iyo Sheekh Shariif oo Kafaalo-qaadasho u ballan-qaaday

Galkacayo, 25 March, 2012 (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo Jimcihii ku geeriyooday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta Aas qaran loogu sameeyey magaalada Gaalkacayo oo uu 78 sanno ka hor ku dhashay.

Guddoomiyihii hore ee Jabhaddii SSDF Marxuum Cabdilaahi Yuusuf waxa Aaska loo sameeyey ka qayb-galay masuuliyiinta ugu sarraysa Dawladda Ku-meel gaadhka ah ee Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, Raysalwasaaraha DKMG ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed, Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Gobolka Mudug iyo Xubno kale.

Sheekh Shariif oo hadlay Jinaasadda ayaa sheegay in dawladdiisu diyaar tahay u tahay inay bixiso wixii dayn qaran ah ee lagu lahaa marxuumka, sidoo kalena ay gacan ka geysan doonaan bixinta daymaha shaqsiga ah ee lagu leeyahay haddii looga maarmi waayo.

SOMALILANDPOST.NET