Marwo Edna Aadan oo khudbad garnaqsi ah ka jeedisay Fagaare warbaahin Caalami ahi goob-joog ka tahay iyo Su’aalo la weydiiyey

Hargeysa (SLpost)- Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Drs Edna Adan Ismaaciil, ayaa khudbad garnaqsi ah oo ka hadlaysa qaddiyadda iyo sooyaalka taariikheed ee dalka ka horjeedisay madal ay ku sugan yihiin warbaahinta caalami ah, waxaana halkaas lagu weydiiyey su’aalo kala duwan oo la xidhiidha Somaliland.

 

Marwo Edna Aadan, ayaa xubin ka ah wefti heer qaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland oo xilligan ku sugan dalka Guinea ee galbeedka qaaradda Afrika, halkaas oo si heer sare ah  loogu soo dhaweeyey.