Marwo Aamina Waris oo Shaacisay inay Xubinimadeedii Golaha Dhexe uga tanaasushay Haweenay Kale iyo Sababta ka dambaysa

 Hargeysa(SLpost)- Marwada madaxweynaha Somaliland, Marwo Aamina-waris Maxamed Jirde, ayaa sheegtay inay xubinimadeedii golaha dhexe ee dhawaan Muuse Biixi ku daray xisbiga KULMIYE uga tanaasushay haweenay kale.

Waxay sheegtay in si dimuqraadi ah loo tartamayo islamarkaana ay dhexdhexaad ka tahay loolanka socda. Sidoo kale saxaafadda ayay ku waanisay inay dhexdhexaad ka noqoto arrimaha tartanka.

Marwada ayaa sidaasi sheegtay xilli ay xalay ka qayb qaadanaysay Munaasibad, kadibna saxaafaddu wax ka waydiisay sababta ay u diiday xilka golaha dhexe ee Muuse Biixi u magacaabay.