Marwada Madaxweynaha Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera

Berbera (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina-Waris) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabatay ka dib markii ay muddo bil ah socdaal shaqsi ugu maqnayd dalka Ingiriiska.

Marwo Aamina-Wars oo ka soo degtay madaarka Berbera waxa soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Duqa Magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab, Agaasimaha Gaadiidka ee xarunta Madaxtooyadda iyo masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka Saaxil.

“Waxaan ku faraxsan nahay inaan maanta dalkaygii ku soo laabto anigoo caafimaad qaba, waxaan socdaal shaqsi ah ugu maqnaa dalka ingiriiska bil maalin la’a. Bishan July 10-keedii ayaan Berbera ka dhoofay. Dano shaqsi ah ayaan u baxay gurigaygii iyo carruurtaydii ayaan booqday,”ayuu tidhi Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde.

Marwadda koowaad waxay si weyn ugu mahad celisay masuuliyiintii gobolka Saaxil iyo xukuumadda Somaliland ee soo dhaweeyay.

Marwaddu waxa kale oo ay maanta kormeer ku soo martay qaar ka mid ah Ha’yadaha dawliga ah ee gobolka Saaxil oo ay ka mid ahaayeen garroon weyn oo kubadda cagta ah oo ay dawlada Hoose ka hirgelinayso magaalo xeebeedda Berbera iyo warshada korontada ee magaaladaasi.

Sidoo kale, waxay Marwaddu dhagax dhigtay jid laami ah oo ay dawladda hoose ee Berbera ka dhisayso magaaladaasi. Waxaana masuuliyiinta gobolka saaxil ay Marwada warbixin ka siiyeen mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan magaalada Berbera iyo gobolka Saaxil.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net