Marwada Madaxweynaha oo soo dhawaysay ka-hadalka Culimada ee Doorka Haweenayda Muslimadda ah ee Qoyska iyo Xuquuqda Diintu siisay

Hargeysa, 02 April, 2012 (SLpost)- Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde ayaa Maanta soo dhawaysay in Culimadu ka hadlaan doorka haweenayda Muslimka ahi ka qaadan karto barbaarinta ubadka iyo dhawrista Xuquuqda ay diinta Islaamku siisay.

Marwada Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeedisay Muxaadiro uu soo qaban qaabiyay Machadka Faafinta diinta Islaamka isla markaana ay ka qayb galeen in ku dhaw boqol haween ah oo qaarkood ay ku jiraan golayaasha qaranka kaas oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Amaal Xaaji Miisaan oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa uga mahadcelisay machadkani inuu soo agaasimo kulamo aqoonta haweenka kor loogu qaadayo iyadoo ku boorisay Machadka faafinta diinta islaamku inuu sii wado mawduucyada diiniga ah ee ku saabsan arrimaha haweenka .

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde oo madashaasi ka hadashay ayaa soo dhawaysay in Culimadu ka hadasho kaalinta haweenayda muslimada ahi kaga jirto barbaarinta ubadka iyo xuquuqaha ay diinteenu  u gaar yeeshay. Waxay marwada madaxweynuhu sheegtay in Machadkani uu qayb weyn ka qaato caawimo-ka-gaysashada Caruurta Agoomaha ah waxaanay intaas ku dartay inay haween ahaan ku garab joogaan dacwada islaamiga ah ee ay wadaan.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland