Marwada Madaxweynaha Somaliland oo magaalada Hargeysa ka Furtay Shirweyne Kulmiyay Haween ka socda Mandaqadda Geeska

Hargeysa, 10 February, 2012 (SLpost)- Marawada 1aad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde ayaa maanta shir caalami ah ka furtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa,  kaasoo ay ka qaybgalayaan haween iskaga kala yimi dalalka Geeska Afrika.

Shirkan oo socon doona muddo shan maalmood ah waxa lagaga hadlayaa muddadaas doorka haweenka Geeska Afrika ay ka qaadan karaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo hogaaminta, iyadoo xubnaha ka qaybgalay shirkan ay ka socdaan Qaramada Midoobay, Urur Gobolleedka IGAD, xubni matalayay siddeed wadan oo ka tirsan bariga iyo Geeska Afrika iyo Hay’adaha samofalka eek a hawlagala Geeska Afrika.

Marwada 1aad ee Somaliland oo shirkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in haweenka kala socda dalalka mandaqadu ay shir ku yeeshaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, iyadoo tilmaantay in Somaliland tahay dal nabdoon oo ay ka jiraan haykal dawladood oo ku yimi hab dimuqraadi.

Marwadu waxay si faahfaahsan uga warrangtay doorka ay haweenka Somaliland ka soo qaateen marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray intii ka dambaysay dib ula soo noqoshadii xorriyadiisa, waxaanay sheegtay inay kaalin muhiim ah ka soo qaateen nabadaynta, kobcinta dhaqaalaha, hirgelinta hanaanka doorashooyinka iyo horumarka dhinacyada badan leh ee ka muuqda Somaliland.

Aamina Sh. Maxamed Jirde waxa kale oo ay tilmaantay in qaranka Somaliland ay qayb ka yihiin haweenku hogaanka dalka, iyadoo xustay xubnaha kaga jira goleyaasha sharci dejinta oo tiradoodu dhan tahay saddex xubnood iyo golaha Wasiirrada oo ay kaga jiraan saddex xubnood.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen afartan haween ah oo kala socda dalalka Uganda, Koonfurta Sudan, Ethiopia, Eriteria, Jabuuti, Somaliland iyo Somalia, waxay Marwadu ku boorisay in looga fadhiyo sidii ay ku keeni lahaayeen fikrado midho-dhal ah oo wax katara sidii haweenku saami fiican uga heli lahaayeen ka qayb qaadashada hogaaminta dalalkooda.

Dhinaca kale, xubnaha ka qaybgalay kulankaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaatinka Somaliland isla markaana ay ka muuqato nabadgelyo cago adag ku taagan. Waxaanay u mahadceliyeen Xukuumadda Somaliland ee hirgelisay qabsoomida shirkan ka furmay caasimada Hargeysa.

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland