Marwada koowaad Amina Weris Sheekh Maxamed Jirde maxaa loogu doortay Wakiilka CARMMA? muxuuse CARMMA yahay?

 

marwada

Haween weynaha Somaliland oo nasiib u yeeshay in Marwada qaranku u noqoto Wakiilka la dagaalkan Dhimashada ama Umul raaca hooyada iyo dhalaanka (Iyadoo Geeridu ay xaqtahay).

 

Badiba waxa dalkeena ka jira oo muddo soo jiitamaysay soona taxnayd rafaadka iyo dhibaatada ay hooyada uurka lihi la kulanto wakhtiga dhalmada, iyadoo ay badanaaba dhacdo in hooyooyinka ku dhaqan dhulka miyigu ay yihiin kuwa ugu jilicsan ee ay la soo deristo dhibaatadaasi.

hadaba waxa dhawaan hay’adda UNFPA ay (Goodwill Ambassador) wakiil buuxa u dooratay marwada qaranka Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde inay noqoto qofka koowaad ee xil iska saarta inay haween weynaha Somaliland u hogaamiso sidii looga hortegi lahaa ee loo yarayn lahaa dhibta ay haweenkeenu la kulmaan wakhtigada adag ee ay ku jiraan dhalmada ha joogeen miyi ama magaalabee.

iyadoo ay geeridu xaq tahay hadana waxa lagama maarmaan ah in aynu ka faaiidaysano wakhtigan la joogo nabadgelyada, wadooyinka isku xidha Tuulo, Degmo, Magaalo iyo Gobolba inaga oo haysana gaadiid la odhan karo hada waxa uu marayaa halkii ugu saraysay dalka oo waxaabu bedelay xoolihii iyo dhismayaashii marka tiradooda la eegayo.

inagoo ka duulayna taasi waxa marag ma doon noqotay in weli haweenkeenu dayacan yihiin oo laga yaabo in magaalada dhexdeeda sida ka soo baxday daraasado la sameeyey ay ugu geeriyoodaan arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin dhiig bax, dedaal la’aan xil kasnimo loo nisbeeyo wakhtiyada qaliinka oo lala sugo saxeexa raga qaba haweenka ama la waayo meel lagala xidhiidho dhakhaatiirtuna ay u baajiyaan si ay eeda isaga duwaan madaamo masuulkii la waayey.

hadaba waxa dhawaan magaalada hargeysa lagu qabtay barmaamij loogu magacdaray CARMMA oo loo soo gaabiyey la dagaalanka dhimashada hooyada iyo dhalaanka wakhtiga foosha walow ay geeridu xaqtahay.

kaas oo loo doortay inay hogaamiso ama gadhwadeen ka noqoto marwada koowaad ee madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Amina Sheekh Maxamed Jirde, guud ahaan dalalka Afrika hore looga hirgeliyey barmaamijkan loona doortay haweenka kaalmaha hore kaga jira horumarka bulshada ha noqdeen wasiiro ama marwooyin madaxweyneyaal u dhaxaye.

wakhigana waxa loo doortay inuu noqdo wakhti lagula tacaalo laguna cidhibtiro ama lagu yareeyo xaaladaa qalafsan ee sababta dhimashada hooyada iyo dhalaanka waana mida keentay in marwo amina weris loogu doorto hogaaminta barmaamijkan.

Hadaba marwada oo arrintaa culayskeeda dareensan ayaa shacbiga iyo saxaafada ka dalbatay in si wada jira loogala shaqeeyo oo la gaadhsiiyo goobaha ka fog wacyigelinta ama cidii awood u leh inay shacbiga dardar geliso ay barmaamijkooda ku darsadaan qayb ka mida wacyigelinta hooyada iyo dhalaanka lagu badbaadinaayo illaahay ayaa wax badbaadiyee.

 

By: Naasir Yuusuf Daahir

Hargeysa/Somaliland