Maroodijeex: Ugaas Naasir Ugaas Maxamed oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Degmada DACARTA

 

Dacarta (SLpost)- Degmada Dacarta oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Ugaas Naasir Ugaas Maxamed Xasan Qaalib oo ah Ugaaska guud ee Beelaha Toljecle oo fadhigiisu yahay Dawlad-deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia.

Ujeeddada safarka Ugaaska, ayaa ku saabsan booqasho Dhaqan oo uu ku yimi Somaliland.

Ugaaska waxa Xuduudda Somaliland iyo Itoobiya ka soo gelbiyey, madaxdhaqameedyo, Cuqaal iyo waxgarad, iyadoo ay xarunta Degmada Dacartana ku soo dhaweeyeen kumanaan dadweynaha oo ku qaabilay caleemo qoyan.

Kaddib gelbiska soo dhaweynta, Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Magaalada Dacarta, taasoo lagu soo dhaweynayey Ugaaska, ayaa waxa khudbado isugu jira bogaadin iyo soo dhaweyn ka jeediyey maamulka Degmada Dacarta, Cuqaal, siyaasiyiin,Waxgarad iyo dhalinyaro ku hadlayey afka Beesha Ugaaska.

Guddoomiyaha Degmada Dacarta Axmed Aw Xuseen Furre, Guddoomiyaha Guddida horumarinta TALOSAME Prof. Maxamuud Xuseen Faarax iyo masuuliyiin kale oo xafladaasi ka jeediyey hadallo, ayaa tilmaamay in Ugaasku arrimo dhaqan u yimi dalka, iyagoo dhanka kalena iftiimiyey in uu yahay hogaan dhaqameed Dalkiisii labaad.

Waxa kale oo xubnaha halkaasi ka hadlay ay sharaxaad ka bixiyeen taariikhda tolmoon ee uu ka dhaxlay Aabihii iyo kartida hogaamineed ee uu leeyahay, iyadoo halkaasi laga xusay in aanu ahayn Isin ku kooban Beel qudha ee uu yahay Ugaas guud oo talo-balaadhan.
Ugaas Naasir Ugaas Maxamed Xasan oo gabgabadii halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsanahay soo dhaweynta mugga iyo miisaanka leh ee loo sameeyey, waxaanu tilmaamay in ay ka markhaati kacayso midnimada iyo muwaafiqada Beesha uu hogaanka u yahay.

Geesta kale, waxa uu dardaaran iyo duco halkaa uga jeediyey Siyaasiyiinta, Cuqaasha iyo waxgaradka Degmadaasi,waxaanu ku booriyey in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan horumarinta danta guud ee deegaanka iyo abuurista kaabeyaasha aasaasiga ah ee bulshada.

Somalilandpost.net