“Markii wasaaradda la ii magacaabay cabsiyo badan ayaa laga sheegayey, adigana (Agaasimaha) waan filayaa in wax lagaaga sheegay, laakiin…” – Xaglatoosiye

Hargeysa, (SLpost)- Xaflad xilalka ay maanta kula kala wareegayeen Agaasimahii hore wasaarada Caafimaadka,  Cabdi Guray Agaasimaha Cusub Dr. Cismaan ayaa shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda Caafimaadka.

Xafladaa oo wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan Ciise Xagla-toosiye, wasiir-xigeenka Nimco Adan Qowdhan, masuuliyiinta wasaarada Caafimaadka ee gobolada dalka, madaxda hay’adadaha Qaramada Midoobay iyo Kuwa Caalamiga ee wada shaqeynta leeyahiin iyo martisharaf kale ka soo qeygaleen, ayey ugu horeyn Wasiir-xigeenka Caafimaadka Nimco Qowdhan,  warbixin kooban ka bixisay muddadii saddexda sannadood ee wasaarada ay joogeen hawlaha ay qabteen ayey sheegtay “Inay siyaasado cusub abuureen kuwo hore oo jirayna dib u habayn ku sameeyeen, loona baahan yahay inaanay miiska saarnaan ee la dabakho. Siyaasadii caafimaadka qaranka oo 1999-kii la sameeyey dib u habayn ayaan ku samaynay, wakhtigana waa u diyaar in la dabakho ka dib markii Madaxweynahu digreeto ku soo saaray.”

Agaasimahii hore wasaaradda Caafimaadka, Cabdi Axmed Nuur (Guray) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay “In shalay maalin weyn u ahayd soo gebabaysay muddo saddex sannadood uu ka soo shaqeynayey wasaarada Caafimaadka. Kamana fogaan shaqadii wasaaradan oo meelo badan ayaan ka soo gelayaa wasaarada lay bedelay, immikana waan sii sahansaday wadooyinkii aan u soo mari lahaa wasaarada caafimaadka.”

agaasimaha-caafimaadka-439x300Agaasimaha cusub ee wasaarada Caafimaadka, Dr. Cismaan, oo xafladaa ka hadlay ayaa sheegay “Inuu yimi wasaarada masuuliyiin dhalinyaro ahi uga sii horeysay sida wasiirka iyo wasiir-ku-xigeenka, rajeynaya inay iska kaashan doonaan hawsha wasaarada dhamaantood. Dadkeenu dhaqaalahoodu ma badna, markaa waa inaan dardar gelino xarumaha caafimaadka ee xukuumadu gacanta ku hayso si adeeg caafimaad jaban uga helaan. Sidoo kale, waa inaan qorshahii horumarka Somaliland ee wasaarada Qorshayntu samaysay ku dedaalo inaan qeybta innagaga began ku dabakhno waxqabadkeena.”

Ugu dambayn, Wasiirka Caafimaadka, Dr. Saleebaan  Ciise, (Xagla-toosye) oo madashaa soo xidhay ayaa sheegay  “inuu Agaasimaha cusub soo dhoweynayo, isaguna (wasiirku) wax badan aanu ka soo horeyn balse ilaa 10 maalmood tahay, laakiin, ay joogaan wasaarada shaqaale hawshooda ka adag ilaa inta aynu la qabsanayno. Markii wasaarada la ii magacaabay cabsiyo badan ayaa laga sheegayey, adigana (Agaasimaha) waan filayaa in wax lagaaga sheegay, waxba ma jiraan ayaan ku leeyahay soo dhowow.

SOMALILANDPOST.NET