“Markii aanu mucaaradka ahayn haddaanu hanjabno khasaaraa dhici jiray, laakiin imika…” Boqor Buur-madaw

Hargeysa, (SLpost)- Boqor Cismaan Aw-maxamuud Buurmadaw oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, gaar ahaan beesha bariga Burco ayaa ka hadlay qabsoomida doorashooyinka iyo go’aanada muddo kordhinta ah ee guurtida laga filayo.boqor buur madow

Sidoo kale waxa uu Boqor Buur-madaw ka hadlay hanjabaado uu sheegay in dadka qaarkood ay u jeediyeen xukuumadda iyo guurtida, taasoo ku salaysnayd muddo kordhinta la filayo. “Horta Somaliland waxay halkaa kusoo gaadhay isu-tanaasul iyo is-qadarin, shacab iyo dawlad dalkooda lexejeclo ka qaba ayay halkan kusoo gaadhay, guurtidu waxay ahayd mar walba tii mus-dambeedka ahayd ee dhibaato kasta oo dhacda iyadu qaboojinaysay, arrinkan korodhkana waxa keenay  doorasho waqtigeedii aan ku qabsoomayn. Beel ahaana anigoo afkeedii ku hadlaya waxaanu qabnaa anagu madaxweyne Siilaanyo halgankiina taariikh buu ku lahaa sharaf buu kaga tagey, sharafna waa lagu doortay markii dambe, maantana waan hubaa inuu sharaf kaga tagi doono iyo waxa uu qabtay iyo inuu doorasho xor oo xalaal ah qaban doono .” ayuu yidhi.

Boqor Cismaan oo hadalkiisa sii wataana waxa uu intaas ku daray oo yidhi. “Dadkan hanjabaadaha ku wadana wax ahmiyad ah oo aan anigu u arko inay leeyihiin ma jirto, anagu ka beel ahaan markii aanu mucaaradka ahayn haddaanu hanjabno markiiba khasaaraa dhici jiray, laakiin qolooyinkan imika way naga fiican haddii ay maalin kasta nabadgelyada iyo hanjabaada isku wadaan, waa intay naga ilbaxsan yihiin wax dhib ahna u qaadan mayno, laakiin anaga beel ahaan waxa naga go’an inaanu madaxweynaha nidhaahno taariikhdii horena sharaf baad ku lahayd maantana waa inaad sharaf kaga tagto.”

Boqor Cimaan Buurmadaw ayaa ku tilmaamay hadal dhawaan kazoo yeedhay Suldaanka guud ee beelaha Awal mid u muuqda inaanu Suldaanku ku xidhnayn beeshiisa.

Somalilandpost.net