Markabkii ugu Xajmi weynaa oo ku soo Xidhay Dekedda Berbera iyo Masuuliyiinta oo ka hadashay

Berbera (SLpost)- Madaxda Dekedda Berbera, ayaa faahfaahin ka bixiyey munaasibad lagu soo dhaweeyey Markabkii ugu weynaa ee ku soo xidha Dekedda muddadii ay jirtay, kaas oo maanta soo gaadhday. .

 

Markabkan oo Xambaarsan 1,400 Koontiiran, isla markaana dhererkiisu gaadhayo laba boqol oo Mitir, ayaa waxa shixnado ka soo qaaday Wadamo kala duwan oo ay kamid yihiin Shiinaha, Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland

Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Siciid Cabdilaahi Xasan oo ka hadlay imaanshiyaha Markabkan ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay Qaranka “Maanta waxa Farxad inoo ah in Markabkii ugu weynaa ku soo xidhay Dekedda Berbera, waxa kale oo farxad noo ah in Shaqaalaha Dekedda ee qaybta Marine-ku ay ku guulaystaan inay markabkaasi si fudud u soo xidhaan. guul weyn ayey u tahay Qaranka Somaliland iyo Shaqaalaha Dekedda, waxaasina waxay ku yimaadeen tacabka la geliyey Shaqaalaha ee uu Madaxweynaha Somaliland hogaaminayey” ayuu yidhi Maareeyaha oo tilmaamay inay hadda bilaabmeen Maraakiibtii waaweynayd ee Dekedda isticmaalayey.

 

“Waxaan rajjeynaynaa inay sidaa ku bilaabmeen Maraakiibtii waaweynayd iyadoo talaabadani ay bilow u tahay, waxaan hambalyeynayaa Shaqaalaha Dekedda, gaar ahaan kuwa soo xidhista Maraakiibta” ayuu raaciyey.
Dhinaca kale, Maareeyuhu wuxuu sheegay in ay qalabaysan yihiin Shaqaalaha Dekeddu, dhawaan soo gaadhi doono qalab kale oo lagu tayeynayo howlaha Dekedda, sida Taagag iyo agab kale.

Maareeye ku-xigeenka Dekedda iyo masuuliyiin kale oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay inay Dekeddu horumar ku talaabsanayo marba marka ka dambeysa, dhismaheeduna uu socdo Dekedda weyn ee ay Maalgelinayaan Shirkadda DPWORLD iyo Somaliland.