Markab Sida Tiradii Ugu Badnayd Ee Qaxoonti Kasoo Barakacay Yemen Oo Soo Gaadhay Magaalada Berbera

Berbera, (SLpost)- Tiradii ugu horeysay ee soo gaadha Geeska Afrika, kuwaasoo cararaya dagaalada Yemen ayaa soo gaadhay magaalada Berbera, taniyo intii ay qaramada midoobay ka digeen inay qaxoontigaas kusoo dhex dhuuman karaan kooxaha xag-jirka ah.

Markab sida in ka badan 1,200 oo qof oo qaxoonti ah ayaa soo gaadhay magaalada Berbera, kuwaasoo ka soo cararay colaada ka socota dalka Yemen.BERBERA

Markabkan ayaa ka soo shiraacday magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxaana dadka saarani ay u badnaayeen dumar iyo carruur ah. “Markabkani maaha markii ugu horeysay ee uu yimaado magaalada Berbera waa markab waa markii saddexaad ee uu yimaado ama ha sido badeecad ama qaxoonti, markaa xaga ammaanakan aad baanu u adkaynay, waxaana markabkaas baadhaya ciidanka nabad sugida.” sidaa waxa yidhi guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo la hadlay idaacada BBC.

Somalilandpost.net