Markab Iran Leedahay Oo Gargaar Usida Yemen Oo Kusoo Xidhanaya Jabuuti

Jabuuti, (SLpost)- Markab sida gargaar oo ay Iran u soo dirtay Yemen ayaa la filayaa inuu maanta soo gaadho, isla markaana uu kusoo xidho dekedda Jabuuti.IRAN

Jabuuti ayaa hore u sheegtay inaanay u ogolaan doonin in markabkaasi uu kusoo xidho ilaa ay Iran ka ogolaato in Qaramada Midoobay baadho markabka, ka hor inta aan gargaarka uu sido lagu wareejin hay’adda Qaramada Midoobay ee barnaamijka cunada dunida ee WFP.

Waa markabkii ugu horeeyey ee ay Iran soo dirto, isla markaana sida gargaar bani’aadamino ee  soo gaadha Jabuuti.

Jabuuti ayaa marti-gelisay in ka badan 4000 oo qaxoonti Yemeniyiin ah oo ka cararay colaadda dalkooda ka socota.

Maalintii Arbacada ayaa, xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku dhawaaqay shir lagaga hadlayo xaaladda Yemen oo dhici doona dhamaadka bishan May, isagoo ku casuumay shirka dhamaan dhinacyada isku haya Yemen.

Somalilandpost.net